Tariikhdu waa isi soo cel celisaa Waxaana Madaxda Aduunka Lagu Kala Qiimeeya Marka Masuulka Jagada Baneeyo Oo Dib Loo Eega Buladashadoo U Talinayay Waxa Ay Kusoo Xasuusan Karaan Ama Afka Qalaad Lagu Dhaho (Legacy) Waxaan Halkaan Isku Barbardhigayna Afar Madaxwayne Oo Soo Martay Puntland Mid Walba Wax Lagu Soo xasoosan Doono Oo wanaagsan Iyo Waxa Lagu Soo Xasuusan Doono Oo Xun Iyo Wanaagsanba Waxaana Ku Egayna Mid Walba Waxa Siyaasadiisa Laf dhabar U ahaa Iyo Waxa Deeganka intoo Joogay Ka Qaldamay
Madaxwayne Cabdulahi Yusuf axmed
C/Lahi Yuusuf Axmed waxa uu u dhashay magaalada Gaalkacyo ku dhashay December sanadkii 1934, markii uu waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaystay soomaaliya, wuxuuna galay kuliyada sharciga ciidamada, markaas kadib ayaa laba sano oo waxbarasho gaaban ah loogu diray talyaaniga sanadadii 1954-1956.
Sanadkii 1957 dii ayaa loomagacaabay ku xigeenka taliyaha booliiska ee gobolka Benaadir, isagoo jagadaas hayay mudo sanad ah. jagadiisii labaad waxaa 1958 kii uu noqday taliyaha qaybta booliiska ee gobolada Jubada sare iyo Jubada hoose.
1960 bilawgiisii ayaa sanad waxbarasho militery ah loogu diray talyaaniga. Markii uu talyaaniga kasoo laabtay ayuu qabtay jagadii ugu horaysay ee militariga isagoo noqday taliyaha policemilitaryga ee qaybta 26 aad ee fadhigeedu ahaa gobolada Woqooyiga Soomaaliya.
Sanadkii 1964tii ayaa loo Dalacsiiyay darajada Gaashaanle dhexe “Lieutenant Colonel” waxaa uuna isla markaasi u soo gudbay maamulka dhexe ee wasaarada gaashaandhiga soomaaliya.
Markale ayaa waxbarasho loogu diray dalka Ruushka (midawga soviet) isagoo galay kuliyadda dagaalka ee militariga (Military war college) sanadkii 1965-66.
Dib markaan ugo soo laabano Puntland Cabddulahi Yusuf Muran Maleh Inoo Yahay Aabahii Aas Aasayaashi Puntland Wana Shaqsi Dadka Reer Guuraga Ama Ahayn Dadka Waxbartay Aad Utaageeran Lehna Awood uu ku Kiciyo Dadkaas Mida labaad Waxuu Leeyahay Political base Aan Ku koobnayn Qabiil ama deegan Gobalada Puntland
Qaabka Maamulkiisa (political style)
Cabdulaahi Yusuf Maha Nin Cid walba Oo Taqaan Kuma xamato Musuq Maasaq Badana Majecla Waraaq Cad Bangiga Inoo U Qoro Sanadkii ugu Horeeyay Waxuu Cabdulahi Yusuf Puntland Ka Hirgaliyay Nidaam dadka markaa siyaasada kujiray Ay aad ula yaabeen Noqdayna Mid Muda yar lagu hirgaliyaya Sida
Puntland Military Force (Cidamada Darwiishta)
Local Governments (dowlada haHoose)
Puntland Banks (Bangiyada)
Revenue system (Habka dakhli soo xareynta)
Political stability (Deganaansho siyaasadeed)
Maxuu Kufashilmay ?
Dadka dhaleeceeya Col .Cabdulahi Yusuf waxayaabahii Ku guuldareeystay waxaa Kamida Awoodi Maamulka Oo Dhan Gacantiisa inoo Kusoo Koobay In uu Mamulka ujeedkii Laga lahaa Kaleexiyay In Uu Mamulka U isticmaalay Ujeeda Siyaasadeed u lahaa Oo ahayd Somaliya Inuu Madaxwayne U Noqdo Inoo Baray Qabaailka Maamulka Inay Ku taageeran Lacag usiiyo Iyo qaar kale badan hoos kutaxi doona intaan ka gaarno
Wasaarada shaqeeya islana shaqeeya malahayn Dowladiisa
Miisaniyad dowlada Ku xisaabtanto Malahayn
Wasiiradiisa waxay U badnayeen Dad balwadeed Oo Shacabka Xurma Ku dhex lahayn
Parliamentaryga Puntland Ma ahayn Mid shaqeeya
Dowlado Malahyn Siyaasad waxbarasho Siyaasad Cafimaad iyo siyaasad Dhaqaale
Lacagta maamulka Odayaasha Gobalada Qaar lagu sasabi Jiray
Musuq maasuqa waxuu Ahaa meesha ugu sareeysay
Malahayn Caasumada Siyaasad U gaara
Madaxwayna Kuxugayn Wada Shaqayn malahayn
Maxamed Cabdi Xaashi
Maxamed Cabdi Xaashi waxuu Ahaa siyaasi dhaqala yahana Usoo Shaqeeyay Bankii Qaranka, Leh Xirfad maamul Waxuuna Ahaa Dadkii Habaeeyay Mamulkii Ugu Horeeyay Ee Somara Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta fara ku tiriska ah ee Qaaradda Afrika ku haray oo demoqaariyadda ,cadaaladda iyo maamul wanaaga ku sifoobey Sida dad badan qabaan
Maxaa u Qabsoomay Xiligii Uu Madaxwaynaha Ahaa ?
Markii uu madaxweynihii hore ee Puntland loo doortay madaxweynaha dowlada fedraaliga ah waxaa, isla markiiba Madaxweyne kuxigeenkii Puntland ahaana kusimaha Madaxweynaha Puntland, loo doortay Xilka Madaxweyninimada Puntland inta laga gaarayo doorasha guud, ayadoo laraacayo Dastuurka Puntland.
Madaxweynihii Puntland Md. Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu mudo yar kudiyaariyey Doorasho Guud, isagoo raacaya Dastuurka puntland.
Sanadkii 2005 bishii 8/1, waxaa dhacay doorashooyinkii puntland, waxaana lagaga guulaystay xilkii Madaxweynanimo Md.Maxamed Cabdi Xaashi kadibna wuu kadagay kursiga si wanaagsan.
Md.Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu puntland madaxweyne ka ahaa intii udhaxaysay 2004 illaa bilowgii 2005, waxa uuna saas ku noday Madaxweynihii Labaad ee Soomara Puntland.
Waxqabdikiisi Xiligii U talada hayay
Waxuu Hirgaliyay Miisaniyad Dhab Ah, Waxuuna Dib U Diyaariyay Mudo Yar Doorashadii Madaxwaynaha Puntland Waxuuna Noqoday Madaxwayahii Ugu Horeeyay Ee Sinabada Xilka Uga Daga Markii Doorashadii Uu Tartamay Looga Guulaystay..
Waxyabaha Lagu Dhaliilo
Maxamed Cabdi xaashi Ma ahayn Siyaasi Soo dhexgala Bulasha waynta Badanaana Intuu Xilka hayay Waxuu Taladii Loo Dhiibay Si dadban Gacanta Ugu Galiyaya Cabdulahi Yusuf OO dhaqalaha Puntland U Isticmalayay Dowladii Federalka aHayd ee 2004 Loo doortay dad Badan Oo siyaasada Kujiray Ayaa waxay Arkayeen Maxamed Cabdi Xaashi Inoo jeebka ugu dhacay Puntland
Madaxwayne Cade Muuse
General Cade Muse Waxuu Nin siyaasada Horay Loogu Aqoon Waxuu Ahaa General Cidamadii QaranKa Somaliyeed Kabacdi waxuu Noqday Gudoomiye Gobal, Halka Uu ahaana Sargaal military Oo fadhigisuna yahay Safaradii Somalia Ee Shiinaha, 1979 Cade Muse Waxuu U baxsaday Dalka Canada Uu Kulahaa Kaalin Shidaal (Gas station)
Cade Muse Waxuu Sogalay Saxada Siyaasada Kadib Markii Muran Kadhashay Xili kororsigii Dowladii Cabdulahi Yusuf, Mamulki Jamac Cali Jaamac iyo dooq Siyaadadeed oo watay Dagaalo Goos Goosa, Shir ay u fariisteen Jabhadiii ( GBP ) Ee Kasoo Horjeeday Puntland Ayaa Waxaa Ay Go’aansadeen Ineey Helaan Sargaal U dhigma Xaga Milatriga Cabdulahi Yusuf Axmed Sidaas Darteed Ayuu dalka Dib Ugo Soo Labtay Muda yarna waxuu Abuuray Ciidama Xirfadaysan Oo katirsanaa Jamhadii Dagaalka kula jirtay Puntland, dagaala kabacdi Cade Muse Waxuu Aqbalay Hishiis Lagalalo Cabdulahi Yuusuf
8 January 2005 Ayaa Cade Muse Loo dhaariyay Madaxwaynaha Puntland Xili Maamulku Oo La daala dhacayay dhaqaalo Xumo iyo kala daadsanaan Maamul
Waxqabadkii Xuukamdii Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi (Cade Muuse)
Intuu xilka madaxweynaha Puntland uu hayey Md.Maxamuud Muuse Xirsi (Cade Muuse), waxa uu qabtay waxyaabo la taaban karo laguna soo xasuusan doono sanooyinkiisii, waxaana kamida waxyaabahaas uu qabtay:
Dhisidda Airporka Magaalada Ganacsiga ah ee Bosaaso
Dhisidda Maxjarka Xoolaha Magaalada Bosaaso
Waxka qabashadda Arimaha Bulshada, sida Waxbarashada iyo Caafimaadka
Soosaarida Shidaalka Puntland, isagoo madaxweynuhu hishiisyo la galay shirkado Mustaqbalka Soosaara Shidaalka Puntland
Dhaliilaha Cade Muse
Cade Muse Ma ahayn Nin yaqaana Qaabka qabiilada Puntland wax u qaybsadan mana ahayn Nin Dadka hoos ugo xaal og Isla markiiba Mamulkiisa Waxaa soo foodsaray Kala Daadsanaan Waxaa Bilaamay Qabaa’ilku Inay Gaar Gaar u shiraan, Cabashoyin Badanina Yimaadan, Waxaana Maamulkiisa Ka horyimi Mucaarada badan Oo horay Puntland Looga Aqoon.
Dhinaca kale Ma Noqon Cade Muse Nin Kamadax Banaan Awoodi Cabdulahi Yusuf . Waxaa Puntland Laga raray Ciidankii Dhaman Ilaalin Lahaa Xuduudaha iyo amaanka gudaha Waxaa bilaabay isbaarooyin Qaba’ilo Dhigtaan,Waxaa Bilaabantay Waaxda Canshuuraha Gobalka Mudug Toos Inay Ugu dhacdo Jeebka Cabdulahi Yusuf Iyo Muqdisho — Waxyabihii Ugu darnaa waxaa kamid ah
Soo saristii Cidamada Darawiishta Gobalka sool
Mushaarkii Shaqalaha Dowlada
Siintii 27% dhaqalaha Puntland Dowladii Cali Maxamed Geedi
Wareejintii dhaqalaha Gobalka Mudug Cabdulahi Yuusuf (Agaasimaha Maliyada Galkacyo Lacagta toos Muqdisho Ugu diri jiray)
Maamul Xumadii Siyasada Arimaha dibada ( Cade Muse Intoo Joogay 550 ayaa Lagaarsiyay baarlamanka dowlada Federalka)
Tayada Golaha wasiirada Puntland oo Aad u liidatay
Maxadaxwayne Cabdiraxman Faroole
Sanadkaan 8-dii bishii January 2009, waxaa Puntland ka dhacay Doorasho Guud, Doorashadaas waxay ahayd mid taariikhi ah waayo waxaa kasoo qayb galay musharaxiin aad u da’yar oo aqoonyaniin ah kana yimid qurbaha, sidoo kale waxaa doorashadaas ka qayb galay oo musharaxiin ka ahaa siyaasiyiin rug cadaa ah kana yimid qurbaha, Puntland-na ku leh miisaan culus, waxaana kamida md. Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir), oo ahaa musharaxii wareegii ugu danbeeyey la loola mayey Md. Cabdiraxmaan Faroole.
Waxaana ugu danbayntii madaxweynaha Puntland Loo doortay Md.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), si xor iyo demoqraadiyad ah, iyadoo ayana uwada hanbalyeeyeen dhammaan musharaxiintii la loola maysay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, waxa uu noqday madaxweynihii Afraad ee Puntland, waxa uuna puntland Hogaamin Doonaa 5 Sano ee soosocota.
Faroole Ma ahayn shaqsi ku Cusub siyaasada Puntland Horay waxuu usoo qabtay wasiirka Maliyada Puntland iyo wasiirka Qorshaynta
Faroole waa aabaha Puntland cusub Waa Shaqsi ka faaidaystay Waxyaba Badan Oo usoorta Galin Madaxwaynayashi Ka horeeyay
Madaxwayne Faroole Markuu Xilka qabtay Mudo shaqalaha Puntland Mushaar maqadan, waxaa aad u kala daadsana dhaman lamaha Dowlada Sida. police, milatry ,shaqalaha dowlada ,iyo hay’adaha hoos yimaad maamulka
Waxqabdka dowladiisa
Dhamaystirka Dastuurka Puntland
Sixida Magaca Mamulka Iyo Usameeynta calan Ugaara
hagajinta xiriirka Caalamiga puntland Iyo Aduunka
Siinta dhamaan Mushaaradka Puntland
Daryeelka Ciidanka Puntland Iyo qalabayntooda
JoojiNta lacagahii Macana darada Ahaa suldaanada iyo Afku xooglayasha qadan jireen
Dhisida Ciidanka bada Puntland (Puntland marine forces)
Dhisida Maamul aad u dagan Lagu aqoon khilaaf dhexdooda(Political stability)
Dajinta Siyaasad waxbarasho Iyo mid Cafimaad Oo 5 sana
So Sarista shidalka Puntland
Hagaajinta Sumcada Puntland ee gobalka
Waxyabaha Maamulkiisa ku guuldareeystay
Dadka siyaasadii dhaliila waxaa lagu dhalilaala in amaanka Puntland uu xumaaday Oo dilka qorshaysan uu sii batay in Maamulka U dad reer Puntland ah ganbir leh ula tagau in maamulka isku dayin wax kaqabashada gobalka Sool in maamulka uuna gaarsiin wax qabadkiisa meelha aadka uga fog wadada laamiga in maamulka uuna u kordhin mushaaraka shaqalaha dowlada xili aad usii kordhayso aruurinta canshuuraha
Soo celin la’aanta Gobalka sool
Dagalkii Garsoor Galkacyo
Kordhin la’aanta Mushaardka
Awoodayn la ‘aanta Maamulada Gobalada
Siyaasad Xumada xaga ganacsiga
Qore: Cabdiwali Omar Galayr
MD Political Science
Galayr15@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan & macluumaadka uu xambaarsan yahay SBC masuul kama aha waxaana uu u gaar yahay qoraaga maqaalkan:
Daalacatey :9296