Hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay Israsaaseyn ka dhacday goob uu aroos ka dhacayay oo ku taala Deegaan lagu magacaabo Bali howd oo Dhanka waqooyi 50 km kaga beegan Degmada Guriceel ee gobolka Galagaduud .

Ninka dhintay iyo kan dhaawacmay ayaa ahaa labadii nin ee iyagu israsaaseynta ay halkaasi ku dhexmartay, mana jiraan khasaare kale oo soo gaaray dadkii goobta ku sugnaa.

Taliyaha Amniga Maamulka Ahlusuna ee Guriceel Muuse ayaa sheegay in ciidankooda ay halkaasi gaareen ka dib markii ay israsaaseynta dhacday islamarkaana ay halkaasi ka fuliyeen howlgal iyagoona sugaya amaanka .

Sikastaba ha ahaatee dad Goob joogayaal ah oo la hadlay SBC ayaa sheegay in arintani aysan ku saleysneyn Aano qabiil balse ay ragani u muuqdaan kuwo iskood isku qabtay,

SBC INternational Dhuusamareeb