kedis-logo-2013-jpg
Xalay Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 16da ah ee sanadkan ka qeyb galaya,

Labada Xaafadood ee fooda isdaray xalay ayaa waxa ay ka kala dhisnaayeen magaalooyinka  Boosaaso iyo Qardho,  Shimbiraale Qardho Vs Biya kulule, Bosaso.,

Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 16 su’aalood waxyna midiiba laheyd 8 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gabeebay Xaafada Shimbiraale Qardho oo la timid dhibco dhan 14 halka xaafada kale ee Biyakulule, Bosaso ay keentay 12 dhibic waxaana ay guushii raacday Xaafada Shimbiraale Qardho.

Halkaas waxaa ku soo dhamaaday Wareegii 1aad ee is ar araga xaafadaha ku tartamaya Tartanka Kediska Ramadaanka SBC International, waxaana caawa si rasmi ah u bilaaban doona wareega labaad ee tartanka.

Xaafada fooda is dari doona Caawa waxa ay kala yihiin , Xingood Qardho Vs Horseed Carmo.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 16 xaafadood .

K M Cayuuni
SBC International