Beijing:- Madaxweynaha dalka Iran Maxamuud Axmedi Najaad ayaa carabaabay xilli uu qaaabilayey wafdi balaaran oo shiinees ah in labada dal ay dadaal ugu jiraan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen heerka isdhaafsigooda ganacsi ilamaa hal bilyan oo dollar sanadka soo socda.

Najad waxa uu tilmaamay in xaqiijinta ujeedadan lagu gaari karo in laga hortago caqabadaha hortaagan howlaha maalgashiga labada dhinac.

Najaad ayaa kala hadlay xubin ka socda guddiga joogtada ah ee xisbiga shuuciga China oo lagu magacaabo Guu Giyaangi arrimo la xiriira gobolka iyo caalamka, waxayna isdhaafsadaan aragtiyo kala duwan .

Booqashada wafdiga China ee dalka Iran  ayaa ku soo beegmaysa xilli dabaal degyo lagu xusayo afartan sano guuradii ka soo wareegta markii ay xariga laga jaray xiriirkal dublumaasiyadeed ee labada dal.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring