Kooxda talayaaniga ee Inter Milan ayaa ogolaatay in ay fasaxdo daafaca midig ee u dhashay wadanka Brazil  Maicon Douglas ka dib markii uu muujiyay ciyaaryahanku inuu rabo kooxda Real Madrid ee dalka Spain.

Wargaska ‘ nota sport” ayaa tilmaamay in kooxda Real ay diyaar u tahay in ay ku bixiso 20 milion oo EURO ciyaaryahanka, dhanka kale Maicon waxa uu rabaa in uu xidig nimadiisii dib u soo ceshto maraka uu u  tago tababarihiisii hore Jose Morinho.

Waxa uu wargasku intaa raaciyay in asbaabaha ku qasbayso Intar inee iibiso ciyaaryahanka  dhamaasha heshiiskiisa ee ku eg sanadka soo socdo  oo ku tago si bilaash ah oo lacag ahayn

Cabdifataax Mowliid
fatahhaji@hotmail.com