Ardayda manta u fariisatay imtixaanka galitaanka Jaamacada ee sanadkan waxaa tiradoodu gaaraysay boqol arday oo imtixaanka ugaliyey kuuliyadaha kala duwan ee Jamacada iyadoona ay jiraan arday kale oo malmaha soocoda gali doona imitxaana waxaana maamulka Jaamacadu sheegen in sanadkan ay isdiiwan galiyeen arday kor u dhafaysa 200 (labo boqol) sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiye ku xigeenka Puntland state of university(PSU) Salaam Siciid,

Waxaa uu sheegay in manta imtixaanka ay u fariisteen in kabadan 100 Arday isla markaana maalmaha soo socda ay imtixaanka gali doonaan ardayaasi kale

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka Jaamacadu waxaa uu sheegay in sanadihii ugu dambeeyey ay kordheen ardayda gobolada ka imaanaysa oo ku soo biiraya jaamacada isag uu xona xusay kuliyadahayada ay soo socodsadeen arday manta imtixaanka u fariistay ayna kala yihiin kuliyada maamulka iyo dhaqaalaha kuliyada dhaqaalaha iyo kuliyada caafimaadka iyo kuliyad daraasaadka bulshada

Sanad kasta marka la gaaro xiligan waxaa jaamacadaha iska diiwaan galiya ardayda dhamaystay dugsiyada sare isla markaana doonaya in waxbaashada jaamacada ku qataan gudaha Puntland

Maxamed Siciid Yusuf
SBC International Garoowe