Ardaydaan oo Gaaraysay Afar Kun oo Arday kana kala yimid Dhamaan Gobolada Puntland ayaa  maanta u fariistay Imtaxaan  ay soo diyaarisay Dalka Turkiga oo Deeq waxbarasho  ugu deeqay Puntland isla markaasna Arday aan wali la cayimin tirada laga doonayo oo loogu tala galay Deeqda waxabrasho, inkastoo ay sheegeen Sarakisha ka socotay Dalka Turkiga in ay ku kala xulanayan Natiijada Imtaxaanka.

Goobta Imtaaxnka laga qaadayey oo ahayd Dusiga sare ee Ganbool ayaa waxaa ka soo qaybgal Golayaasha Maamulka Puntland Ardaydii  galaysay Imtixaanka walidiintood iyadoo mantana Amaanka si aada loo adkeeyay.

Wasirka waxbarashada Puntland Cabdi farax Siciid Juxa oo Imtaxaanka Makrii ay dhamaysteen la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Imtaxaankaan ay wasarada waxbarashada Puntland ay ka madax banaantahay oo ay soo diyariyeen Dalka Turkiga natijadana lagu dhawaaqi  doono xili dhow.

Wasirku waxaa kale uu intaasi ku daray in Imtaxaankaan uu ahaa mid u furan  Ardayda Somaliyed  oo dhan oo aan wax shuruud ah lagu xirayn marka laga yimaado aqoonsiga wasaradu ay siinaysay iyada oo uu intaas ku daray cidii ku gudubta imtixaankaas ay fursad u helidoonan deeqda waxbarasho ee dowlada turkigu bixsay taas oo iskugu jirta dugsiyada sare iyo heer jaamacadeed.

Agaasimaha Daladaha waxbarashada Gaarka ah ee DKS ahaana wakiilka Wasarada waxbarashada ee Somaliya Ismaaciil Maxamed C/laahi ayaa isna dhinciisa sheegay in ay natiijada iyo Ururinteda ay iska leeyihiin sarakiisha Turkiga ah ee qaadaya Imtaxaanka marka laga yimaado ku  dhawaqida Imtaxaanka oo lagu wareejinayo Wasarada Waxbarashada ee Puntland isagoona wasaarada waxbarashada ku amaanay sida ay u diyaariyeen goobta imtixaanka iyo sidookale ardayda uu ku amaanay sida wanaagsan akhlaaqda leh ay ugu diyaar garoobeen imtixaanka waxaana uu sheegay in uu puntland ku arkay intii uu ku sugnaa nadaam dowladnimo oo sheegay in laga dheehankaro qaabka ardayda puntland ugu diyaarsantahay in ay ka faaidaystaan deeqda wax barasho.

Inta aysan Galin Imtaxaanka ardayda oo warbaahinta SBC waxaa wax ka waydisay  Dareenkooda iyo Goobaha ay ka kala yimaadeen iyaga oo iisheegay inta badan in ay ka yimaadeen gobolada kala duwan ee puntland ayna filayaan in ay imtixaanka ku gudbaan isla markaana jaanis uhelaan deeqada waxbarasho ee ay bixisay dowlada turkiga iyada oo ardayda wajigooda aan ka dheehanayey sida ay udanaynayaan fursadan waxbarasho oo aan horay usoo marin puntland sidaan oo kale imtixaan loo qaado iyaga oo aan loo fiirin natiijada imtixaamadka ardaydu ku soo gudbeen  iyaga  iisheegay  in fursadaha noocaan oo kale ah ay ku dhiira galinayso waxbarashada  si ay ardaydu ugu diyaar garoobaan fursadaha sanadaha dambe la filikaro in lahelo loona maro tartan noocaan oo kala oo aan horay ugu dhacin puntland iyo guud ahaan soomaliya taasi oo ardaydu ay sheegayaan in ay cadaalad u arkaan in imtixaamadka sidan oo kale loo qaado.

Waxaana Horay Imtaxaankaan mid la mida ay uga soo qadeen Turkigu Arday Lagu qiyaasay ilaa sadex kun iyo Sadex boqol oo Arday Magalaada Galkacayo.

DAAWO SAWIRADA


Maxamed Siciid Yusuf
SBC International Garoowe