Inka badan labo boqol oo isugu jira caruur iyo dad waa wayn ayaa waxaa uga socda maalintii labaad ispitalka guud ee magaalada Garawe qaliin iyo daawayn lagu samaynayo caruura iyo dadka wawayne ee faruuran  taasi oo ay fulinayaa dhakhaatir ka timi dalka Ingiriiska

Waxaa maanta booqday ispitalka guud ee magaalada Garowe oo ay ka socdaan hawlahaas caafimaad  madax waynaha Puntland C\rixmaan Maxamed Farole si uu indhiisa ugu soo arko halka ay marayaan howlaha caafimaad ee ka socda ispitalka inkasta oo uusan hadal jeedin hadana waxaa uu u kuur galayey sida ay usocdaan.

Waxaa fulinaya daawaynta iyo qaliinada dadka faruuran ee ka socda magaalda garawe dhakhaatiir udhalatay dalka Ingiriiska oo laba maalmood ka hor soo gaaray Garowe.

Dr Maxamed Ciise Banban oo ka mid ah dhakhaatiirta ka howl gala ispitalka Garawe waxaa uu sheegay in dadka ka faaidaysanaya daawanta iyo qaliinada ay wadaan dhakhatiirtan u dhalatay dalka Ingiriiska ay kala yimaadeen dhamaan gobolada iyo dagmooyinka Puntland waxaana uu intaas ku daray in daawaynta ay ufurantahay ilaa 20 sano jir oo uu sheegay in ay kala yimaadeen caruurta faruuran iyo waliba dadka waa wayn dhamaan gobolada iy degmooyinnka guud ahaan Puntland

Marka laga yimaado dadka waa wayn ee faruuran waxaa jira in caruurta faruuran in ay cuqdad ka qadaan marka ay wax labaranayaa caruurta caadiga ee ay kusuganyihiin dugsiyada iyaga oo magic looga dhigayo faruur iyo wax lamid ah sida ay SBC usheegtay mid ka mid ah waalidiinta caruurtoodu faruuranyihiin oo aan manta ku booqanay ispitalka guud ee magaalada Garoowe

Dhakhaatiirtan ayaa ku sugnaan doona magaalada Garawe ku dhawaad todobaad sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid dhakhaatiirta ispitalka guud ee magaalda Garawe.

SAWIRO

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe