Munaasabada qalin jabinta macaliimiinta cusub oo lagu qabtay xarunta GTEC ee garoowe waxaa ka qayb galay madaxda wasaraada waxbarashada garawe maamulka iyo macalinta kuliyada tababarka macalimiinta waalidiin iyo marti sharafkale oo lagu casumay

Prof C/risaaq Axmed Shoole ayaa ka ayaa sharaxaad ka bixiyey tirade macalimiinta qalinjabisay tiradooda waxaana uu sheegay in yihiin 755 arday isla markaana waxaa uu sheegay in ay jiraan tiro intaasi ka badan oo ka qalinjbiyey jaamacada bariga Africa isla markaana qayb ka ahaa barnaamijkaan tababarka macalimiinta oo ay iska kaashanayaan wasaarada waxbarashada Puntland iyo kuliyada tababarka macalimiinta guud ahaan macalimiinta ay tababareena tiradoodu gaarayso 1500 oo macalin

Maxamed Cali Faarax agasimaha waxda tababarada iyo mashaariicda ee wasaarada waxbarashada Puntland ayaa sheegay in wasaarada waxbarashada Puntland dadaal xoogan u gashay sidii loo heli laha macalimiin tababar isal makaana ay manta ku ay ku faraxsanyihiin in la helo macalimiin da,yar oo laysku halayn karo waxaaana uu dadaal xoogan u galidoonan sidii ay shaqo u heli lahayeen macalimiinta cusub

Qaar kamid ah macalimiinta cusub ee qalin jabiyey ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay manta joogan meshii ay higsanayeen waxaana ay ka codsadeen wasaarada waxbarashada Puntland in ay suaalo kawaydiyeen waxa uga qorshaysan shaqo siinta macalimiinta cusub si ay wax u baraan jiilka cusub ee soo koraya isla markaan u badalaan heerka waxbarasho ee Puntland madaama ay yihiin dhalinyaro dayar oo aqoon yahano ah

Wasaarada waxbarashada Puntland Cabdi Faraax Siciid Juxaa oo ugu dambayn soo xiray munaasabada qalinjinta macalimiinta ayaa madasha ka sheegay in ay soo dhawaynayaan macalimiinta cusub isla markaan u balan qaaday in aysan shaqo waayeyn waxaana u ku booriyey in aysan ka walwalin Dhaka shaqada loona bahanyahay macalinta cusub ee soo biiray in ay kalsoonadaan naftooda iyo aqoonta madooyinka ay soo barteen .

Tan iyo markii ay burburtay dowladi dhexe ee soomaliya waxaa la tilmamaama in dhibaato laga kulmi jiray in la helo macalimiin tayadoodu fiican isla markaana loo tababaray madooyinka ay dhigayaan wasaarada waxbarashada Puntland waxana ay sheegayeen mudooyinkii u dambayey in ay ku howlanyihiin tayeynta waxbarashada .

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe