In ka badan 120 Oday oo Siminaar uga Amba baxay dalka Turkiga Magaalada Muqdisho

Odayaasha dhaqanka ee uu shirka ku aadan dastuurka ugaga soconayay magaalada Muqdisho Xarunta Dalka ayaa maanta ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Odayaashan oo dalka dibadiisa loogu qabanayo siminaaro ku aadan Kor u qaadista Aqoonta iyo Arimaha dastuurka ahna kuwa soo xuli lahaa 825 xubin oo ansixiya dastuurka la wado sameyntiisa ayaa waxaa maanta ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Diyaarad Turkish ah iyagoo ku wajahan isla dalkaasi Turkiga.

Tirada Odayaashan u abma baxay dalkaasi Turkiga ayaa gaaraya 125 xubnood, waxaana maalmaha soo socda dalkaasi Turkiga lagu wadaa in uu ugaga furmo siminaar .

Qaar ka mid ah Odayaashan oo la hadlay SBC xili ay taagnaayeen Garoonka diyaaradaha inta aysan amba bixin ayaa waxay sheegeen in socdalkoodan uu yahay mid ay ku faraxsan yihiin islamarkaana ay u socdaan in ay howsha ay u xilsaaran yihiin sida ugu macquulsan u gutaan.

Wasiirka Wasarada Arimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka DKMG ah ee Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud sh Xasan oo ay wasaaradiisu ku mashquulsaneyd isku duba ridida qaadista odayaashan ayaa SBC U sheegay in odayashani loo wado magaalada Istambuul ee Dalkaasi Turkiga iyagoona soo indha indheyn doona xaaladaha dalkaasi iyo kala dambeynta si ay uga tusaalo qaataan .

Waxaa safarka odayaashan ay qeyb ka tagay Fulinta Go’aamadii heshiiska lagu gaaray ee ka soo baxay kulamadii Dalka Itoobiya .

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.

4 Responses to In ka badan 120 Oday oo Siminaar uga Amba baxay dalka Turkiga Magaalada Muqdisho

  1. Xirsi deni says:

    Asalaamu calaykum…umadda soomaaliyeed waxaan leeyahay yaan layna kalagadan.waxaan nahay dad iskudiin isku midab iskudhaqan isku hadal ah.qaraabo xidid iyo walaalo ah.aduunka lagama helo dad intaa wada wadaaga waxa laynoo quuri la.yahay waa intaas.waxa ladoonayaa in layna barxo 100% muslin weeye baa ugu horeeya waxa layna kala dagaalamayo.waayaab.waxaynu nahay eelka kii dhigay u.ergootooy kuwi dhibkaa inala rabey inaynu miciin bidnaa waa ayaan dara weyn.(alkufaaru milata waaxida).waa xadiis alaahna wuxuu yiri (lan tardhaa yuhuuda walaa nasaaraa xataa tatabica milatahum).yuhuud iyo nasaaro idiin raali noqon mayaan ilaa aad diintooda raacdaan ugu tagtaan.bal hadda eega diintoodii waxay noqotay dimoqraadiyad maanta tuulooyinkii arigu nooga cabi jirey berkedihii dimoqraadiyada ayaa ku sharaxan ninkii doonaya inuu madax inoo noqdaa wuxuu weji kadoonayaa gaalada wuxuu leeyahay hadii lay doorto dimoqraadiyad baraxtiran baan idinku hagayaa subxaanalaah.gaalada teedii madoobayd iyo tii cadaydba way inala dagaalamayaan si dadban iyo si toosa labadaba.culimadii waxay dhaheen waa inaan qaar kuyeelanaa.mawqifkeena cabsan naga shidaal qaata .odayaashii qabiilada sidoo kale.waa in loo raro ameerika iyo yurub dadka jilicsan danyarta si caruurtooda looga helo ama kuwa caruurtoodu dhalaan bar gaala ah mustaqbalka dheer hadhowna madax looga dhigo.dastuurkeena alaah ayaa dejiyey nabi muxamad scw.siiyey jibriil c.s. Oo waayeelkii malaa igtana usoo dhiibay oo macalin uga dhigay alaah wuxuu yiri kitaabka waxba kuma dhaafin xaq iyo baadil.turkigu wax gaala dhaqankeed qaata isagaa ugu horeeyey hadana iyaguu dilaal uyahay ataturki sheekadiisa waa haysaan war aan diinta alaah qaadano

  2. Zeifudiin says:

    Maashaa.allaah alaylehe abwaankii xaq buu ka hadlay weli ma.arag inta wax allifta ama curisa nin diin kudhan nin baa moodaya qabiili anigu 3wiil baan dhalay noloshayda waxan uga dardaarmayaa gaalada naceybkeeda midka ugu weyn waa 14jir quraan laba meelood oo meel xafidsan waxan leeyahay aabe qabiil inama raacayaan iyo aduune af iyo adinba maandhow diinta hadooran nolosha khayaaliga ah

  3. nora says:

    Been Qayaxan bay Somalida qaarkood la soo Tagantahay somalidu dhaqan iyo Diin ma wadaagtoh Qarkoodna luqado Gaar ah bay leyihiin Dadka Aan wada Nolaanshaha u bislayn baa ku Hadaqah Kelmadaahas Mudane irsi Diini soo Qoray

  4. abaadir says:

    roore awalba waad roortay qofkaxunisma qariyo maxaad kudiiday hadalka kaahoreya hadalxunmaahe waxmayaqanyaho anqaliga banlaheeyni

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print