Dhulgariir aad u xoogan oo cabirkiisu yahay 7.2 heerka lagu cabiro dhulgariirada ayaa ku dhuftey bariga dalka Turkliga iyadoo ay ku nafwaayeen in ka badan kun qof.

Telefishinka qaranka Turkiga ayaa shaaciyey in ugu yaraan 500 ilaa 1000 ay dhinteen iyadoo la soo saarey meydadka in ka badan 200 oo qof, waxaana la waysan yahay boqolaal kale.

Dhulgariirka ayaa ku dhuftey magaalada Ercis ee ku taal dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bariga dalka Turkiga, kana mid ah gobolka Van.

Ra’isalwasaare kuxigeenka Turkiga Besir Atalay ayaa yiri “Ku dhawaad 10 dhismayaal oo ku yaal magaalada Van ayaa ku burburey dhulgariirka halka ilaa 25-30 ay sidoo kale ku dumeen magaalada Ercis”.

Sanadkii 1999-kii 18 kun oo qof ayaa ku dhintey laba dhulgariir xoog leh oo ka dhacay waqooyiga Galbeed ee dalka Turkika

Magaalada Ercis, oo ay ku dhaqan yihiin 75 kun oo qof ayaa ah magaalo ay ku xeeran yihiin buuro, waxaana ay ku taal xuduuda wadanka Turkiga uu la leeyahay dalka Iiraan.

Telefishinada caalamka ayaa soo baahinaya warar murugo xambaarsan kuwaasi oo ay ka mid yahay nin ku qaylinaya “Xaaskeygii iyo ilmahaygii ayaa ku hoos jira dhismahan, ilmahaygu waa afar bilood jir”.

Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC International London