Shirka ay qabaneyso dowlada Imaaraadka carabta ayaa waxaa uu noqonaya shir horudhac u noqonaya shir lagu qabanayo Magaalada London oo laga hadlayo arimaha dalka Soomaaliya.

kulanka ay dowlada imaraadka qabanayo bisha soo socota ee February ayaa waxaa la iskugu keeni doonaan dhinacyada siyaasada soomaaliya gaar ahaan kuwa ay ka go’do talada dalka kuwaasi oo la doonayo in ay u sii gogol xaaraan shirk aka dhacaya Britian.

Sarkaal ka tirsan Dowlada Kenya oo lagu magacaabo Anthony Safari ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka shirkan halka maalin soconaya uu yahay mid gogol xaar u ah arimaha nabada Soomaaliya.

“Shirka dowlada Imaaraadka ay qabanayso waxaa lagu sharaxi doonaa baahida Soomaalida gaar ahaan arimaha la xiriira deegaanada horta leh ee ay la wareegeen Ciiamada Dowlada,” ayuu yiri Anthony Safari

Qorshaha ka soo baxa shirka Imaaraadka ayaa waxaa ka dib loo wareejin donan Shirka dhinacyada Soomaalida loogu qabanayo Magaalada London ee Caasimada Ingiriiska.

Shirarkan isdabajooga ee looga hadlayo arimaha soomaaliya ayaa ah kuwo dowladaha qabanaya ay dhinacooda ay wataan dano u gaar ah sida la dagaalanka burcad badeeda iyo Arimaha amaanka dalalkooda oo ay cabsi uga qabaan kooxaha ka dagaalamaya Dalka Soomaaliya.

SBC International Monitoring