Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya H.E. Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa bogaadiyay kaalinta dowladda Imaaraat-ka carabta kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay in xiriirka labada dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo iskaashi miro-dhala.

Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sare u qaadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta iyo fulinta heshiisyo dhinacyo badan leh oo labada dal ay hore u gaareen oo ka shaqeynaya dano wadaaga.

Dhanka kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa kulan gaar ah oo xoojinayay kulanka hore ee Wasiir Garaad, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Mohamed Al Hammadi, waxa ayna kaga wada hadleen arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaallaha.

Dowladda Imaaradka ayaa Soomaaliya siiso taageero ballaaran, waxaana ayna gurmad xoogan u sameysay qooysaskii soomaaliyeed ee saamaynta ay ku yeelatay Abaarta ku dhufatay gobolada qaar.

Waxa ayna dhinaca kale qayb ka yihiin dowladaha gacanta ka siinaya dowladda dhexe dhisidda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana jiro tiro kamid ah ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay tababareen.