Iyadoo uu sii xoogaysanayo muranka dhanka siyaasada ku saleysan ee ku aadan hubka haliska ee Nuclear-ka Iiraan bacrimanayso ee kala dhexeeya wadamada reer Yurub, Mareykanka iyo Isra’il ayaa waxaa soo baxaya cabsida ku aadan in dagaal ahli ah ay arintaasi keento.

Hadaba warbixintan waxaan ku eegaynaa nooca ay noqon karto jawaabta ay Iiraan ka bixiso hadii la isku dayo in la weeraro, gaar ahaan cagajugleynta Isra’il wado ee Iiraan ku wajahan.

Go’aanka Iiran

Xukuumada Tehran waxay si buuxda u cadeysay in ay jawaab cad oo deg deg ah ka bixin doonto hadii la soo weeraro, iyadoo muujisay in weerar uga yimaado Isra’il iyo Mareykanka mid la mid ah ay qaadi doonto.

Jawaabta Iiraan ay bixin doonto nooca ay noqon karto

Ra’isalwasaaraha Isra’il Binyamin Netanyahu wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay inay weerar ku ekeeyaan goobaha Iiraan ku diyaarinayso hubka Nuclear-ka isagoo sheegay in qatarta Iiraan ka imaanaysa aanay sii eegan karin.

Hadaba waxaa halkaasi ka cad in Isra’il ay meel dhigatey qorshe ay ku weerarayso Iiraan iyadoo adeegsanaysa ugu badnaan duqeymo dhanka cirka ah, gantaalo laga hago maraakiibta dagaalka iyo noocyo kale oo dagaal mudo badan aanay ku tala galin.

Iiraan jawaabaha ay bixin doonto tan ugu culus waa duqeyn la hubo inay u geysan doonto Isra’il iyadoo toos gantaalo ugu garaaci doonto iyo in ay adeegsato xisbiyada dhanka Shiicada u badan ee Hezbollah & Hamas ee Lubnaan iyo Falastiin.

Gantaalaha ridada dheer

“Awooda Iiraan  inay duqeyn jawaab celin ah ku garaacdo Isra’il waa mid aad u xadidan” sidaasi waxaa yiri Mark Fitzpatrick oo ah agaasimaha machadka Istaraatijiyada caalamiga ah ee magaciisa loo soo gaabiyo IISS ee fadhigiisu yahay magaalada London.

Mr Fitzpatrick wuxuu ku tilmaamay awooda dhanka ciidamada cirka Iiraan inay yihiin kuwa qadiimo ah isla markaana ay haysato tiro kooban oo gantaalaha ballistic-ga ah ee gaari kara Isra’il.

Shahab-3, iyo Ghadr-1,

Hubka Iiraan lagu ogyahay ee ay ku xisaabtamayso ee ay jawaabaha ku bixin karto waxaa ka mid ah gantaalaha ay dib u casriyeysay ee Shahab-3, iyo Ghadr-1, kuwaasi oo gaari kara masaafo gaaraysa 1,600km (995 miles), laakiin sirdoonka reer Galbeedku waxay ku doodayaan in tirada xambaarayaasha ganataalahaasi ay ku yar yihiin Isra’ila ayna gaarayaan lix xabo oo kaliya.

Sajjil-2,

Gantaalkan Sajjil-2, waa nooc cusub waxaana gantaalkan uu ku shaqeeyaa shidaal lagu shubo wuxuu gaari karaa isra’il, laakiin warar ayaa sheegaya in wali aanay dhameystirin Iiraan farsamadiisa.

Gantaalahan waxaa loo adeegsan karaa inay xambaarsaan hubka halista ah sida kiimada &  nuclear-ka ama in sidooda hub ahaan loogu adeegsado.

Hezbollah in ay Iiraan u hiiliso

Shaki kuma jiro in Iiraan awoodaha ay isku haleynayso ay ka mid tahay ururka Islaamiga ah ee Shiicada ee Hezbollah ee ka jira Lubnaan, kaasi oo sanadkii 2006-dii dagaal ba’an la galey Isra’il.

Hezbollah oo Iiraan isbahaysi la ah waxay haystaa 10 kun oo gantaalo uu u yaal Koonfurta Lubnaan, badankoodu waxaa siisay Iiraan.

Gantaalahan badanoodu waa gantaalka lagu magacaabo Katyusha kaasi oo gaari kara 25 km (16-mile), sidoo kale waxay Hizbullah haysataa gantaalka Fahr-3 oo gaari kara (45km ama 28 miles), Fajr-5 oo gaara (75km am 47 miles), Zelzal-2 (200km ama124 miles) & gantaalka kale ee Fateh-110 oo gaara (200km), sidoo kale ururka Hizbullah wuxuu haystaa 10 xabo oo gantaalaha 10 Scud-D oo cuelyskiisu yahay 750kg wuxuuna gaari karaa ama lagu garaaci karaa Isra’il.

Ururka Islaamiga ah ee Hamas

Iiraan waxay kaloo hiilo ka heli doontaa ururka Islaamiga ah ee Hamas ee reer Falastiin kaasi oo ka taliya Suryada Gaza kaasi oo gantaalaha ridada hoose ku garaaci kara gudaha Isra’il.

Qatarta Isra’il soo wajahi karya ayaa ah in dagaal ay la gasho ururada Hezbollah & Hamas, laakiin iyadoo xiisado colaadeed ka taagan yihiin Suuriya waxaa aad u yar qatarta ka soo wajihi karta Isra’il dhanka xuduudaha.

Dagaalka dhanka badda ee Gacanka

Iiraan waxay aad uga horumarsan tahay dhanka ciidamada badda, ciidamada badda ee Iiraan iyo ciidanka Guutada ilaalada Jamhuuriyada islaamiga Iiraan (IRGC) waa kuwa aad u qalabsaysan kuwaasi oo ku hubaysan maraakiib yar yar oo aad u dheereeya, waxay kaloo ku xeeldheer yihiin dhigista miinooyinka badda oo ay ku weerari karaan maraakiibta waa weyn ee cadowga.

Iiraan waxay kaloo awood u leedahay in ay dhulka dhigto miinooyin difaac ah oo ka hortgai kara ganataalaha maraakiibta.

Iiraan waxay kaloo ku hanjabaysaa inay xiri doonto marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz kaasi oo ah marin isku xirka Gacanka Cuman (Golf of Oman) iyo Gacanka Peershiya (Persian Golf), waxaana halkaasi ka gooshta 20% maraakiibta aduunka ee saliida xambaarta.

Marinkaasi waxaa kaloo ka goosha maalin kasta 3 kun oo maraakiib kaluumaysi, saliid iyo kuwa kale, sida laga soo xigtey hay’adda Mareykanka u qaabilsan macluumaadka tararta ee The U.S. Energy Information Administration (EIA), sidoo kale The Center for Strategic and International Studies waxay ku sheegtey marinkaasi in maalintii ay ka gudubto 17 milyan oo fuusto oo saliid qayriin ah.

Mareykanku waxay sheegeen in ciidamadoodu badda kalsooni ku qabaan inay qoorigaasi furan, laakiin taasi waxay sii kicin kartaa xasarad dhanka badda oo dhexmarta Iiraan iyo Mareykanka taasi oo saameyn weyn ku yeelan doonta qiimaha saliida dunida.

Weeraro aargoosi ah oo dhaca

Dad badan ayaa saadaal ku bixinaya in hadii Isra’il weerar ku qaado Iiraan ay dhici karaan weeraro aargudasho ah oo ay ka faa’idaysan doonaan kooxaha loogu yeero argagixisada sida uu ku doodayo Daniel Byman oo qabiir dhanka ka hortaga aragagixsada waxa loogu yeero isagoo tusaale u soo qaatey ururka Hizbullah ee Lubnaan.

Daniel Byman wuxuu farta ku fiiqay in goor horeba ay soo baxayaan warar sheegaya in uu socdo dagaal dhanka dhulka hoostiisa, wuxuuna tusaale u soo qaatey dilkii saynisyahankii nuclear-ka ee u dhashay Iiraan.

Sidoo kale weeraradii ka dhacay Hindiya iyo Thailand ee lala beegsadey diblumaasiyiinta Isra’il ayaa tuhunka ugu weyn wuxuu yahay in ay ka dambeeyeen sirdoonka Iiraa oo aargoosi ahaan u qaaday weeraradaasi.

Gantaalaha ballistic ee Iiraan

Shabab-1 wuxuu ku rakin yahay gantaalka Scud-B wuxuu ku shaqeeyaa shidaal dareere ah oo ku xiran in uu isticmaalo xiliga la ridayo.

Shahab-2 wuxuu isaguna ku rikaban yahay Scud-C wuxuu masaafo ahaan gaari karaa 500 km oo u dhiganta 310 miles.

Shahab-3 – oo lagu rikibay gantaalka Nodong ee waqooyiga Kuuriya farsameysay kaasi oo gaari kara masaafo 900 km ama 560 mile, Based on the North Korean Nodong missile. Has a range of about 900km (560 miles) and a nominal payload of 1,000kg (2,205lb)

Ghadr-1 & Sajjil-2 oo warbixinteeda qaybteeda hore ku xusan ayaa ka mid ah gantaalaha Iiraan ay adeegsan karto hadii la weeraro.

Qaanuunka caalamiga ah ee ku gadaamaan weeraradan

Dad aqoonta u leh arimaha sharciyada caalamiga ah waxay ku tilmaameen Isra’il oo si buuxda duqeymo ama weerar ugu qaada Iiraan inay ka dhigan tahay ku xadgudub sharciga caalamiga ah islamarkaana duqeyntaasi ay tahay mid sharci daro ah.

Dagaalkii Mareykanku horboodayey ee lagu qaaday Iiraan wuxuu noqdey natiijadiisu dhimashada kumanaan qof iyo khasaaraha balaayiin doolar.

Professor Mary Ellen O’Connell oo ah oo professor arimaha sharciyda caalamiga ah ka dhigta Jaamacada University of Notre Dame, ee dalka Mareykanka ayaa sheegtey in hadii laga fakarayo sharci ahaanshaha weerarka Iiraan lagu qaadayo ee loo badin karo in Isra’il qaado uu yahay in marka golaha amaanka qaramada midoobay uu ansixiyo, waayo Iiraan ma aanay qaadin wax weerar ah oo ka dhan ah Isra’il iyo Mareykanka.

“Xeerka qaramada midoobay wuxuu si waadix ah u cadeynayaa adeegsiga xoog ciidan in guud ahaan uu yahay mid xariman ilaa ay timaado arin isdifaacid uu wadan u qaadayo in uu naftiisa difaaco weerar ku soo wajahan ama in golaha amaanka uu ansixiyo” ayey tiri Professor Mary Ellen O’Connell.

Israel, waxay dabcan u muuqan doontaa inay ku andacooto in mustaqbalka hubka Nucelar-ka Iiraan uu qatar ku yahay amnigeeda,laakiin ilaa iyo hada cidna ma rumaysna in Iiraan ay haysato hunkaasi, waana taasi mida ay qabto Professor Mary Ellen O’Connell in weerarka Isra’il uu u yahay mid aan xalaal aheyn.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com