N’Djamena:-Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters madaxweynaha dalka Chad Idiris Deebi ayaa markale ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka Chad ee dhacday bishii la soo dhaafay , taasi oo mucaaradku ay qaadaceen islmarkaana ay ku gacan seereen natiijada ka soo baxday doorashadaas iyagoo tilmaamay in ay tahay mid aan sharci ahayn.

Sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka Chad Idiris Deebe ayaa helay 88.66% taasi oo u ogolaanaysa in uu muddo shan sano oo kale uu sii hayo xukunka dalka chad halka Albert Baahiimi oo ahaa ninkii isaga ku soo xigay tirinta codadka uu helay 6.30% iyadoo sidoo kalana ninkii mucaaradka uga qeyb galay doorashadan uu helay codad dhan 5.23%

Afhayeenka madaxweynaha guuleystay ayaa sheegay in baaqii mucaaradka ee ahaa in aan laga qeyb galin doorashada uu noqday mid guul dareystay maadaama dadka ka soo qeyb galay doorashada tiradoodu gaarayso 64%.

Kormeerayaal ka socday midowga Africa iyo erga ka timid bartamaha Africa ayaa ku qiyaasay tirada ka qeybgalayaasha doorashadu in ay ahayd 51%.

Mid kamid ahaa musharaxiintii u tartamayey mucaaradka balse ka baxay tartanka ayaa geeriyooday maalintii shaley saacado ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada.

Madaxweyne Idiris Deebe ayaa haya talada dalka Chad tan iyo intii uu inqilaabka ku qabsaday sanadii 1990, islamarkaana dib loogu doortay in uu sii haya xilka doorashooyinkii kadhacay dalkaas sanadihii 1996,2001 iyo 2006.

Dalka chad oo ku yaal bartamaha Africa ayaa ah mid kamid ah dalalka ugu faqrisan caalamka balse soo saara 115 kun barmiil oo naafta ah maalin kasta.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC INternational Monitoring