Kadib kulamo baaran oo ay maal mihii ugu dambeeyay ay yeelanayen Gabdho bartay mihnada saxaafada ayaa waxaa kulamadaasi ay u jeed kooda ahaayeen sidii dhidabada looga taagi lahaa Idaacad ku hada shay codka Haween weynaha soomaliyeed Taasi oo laga hirgalin doona Deegaanada puntland xarunteeda koowaadna ay noqon doonto  magaalada Garoowe  ee casimada puntland iyadoona la gaarsiin doono somaliya oo dhan idaacdaas ku hadli doonta codka dumarka.

Iyadoona maalmihii ugu danbeeyay ay ka soconayeen Hotel Newrays ee magaalda Garoowe tababaro iyo dooda ku aadan qaabka ay u how galayso idaacadaasi ayna ka qayb galayeen gabdho horay u soo bartay saxaafada ,aqoonyahano, fanaaniin iyo xubno ka tirsan ururka saxafiyiinta puntland ee MAP .

Fulinta tababrkaani aya aw axaa iska kaashanayay Hay’ada DRC{Danish Refugee Council} iyo Qaran Media ee ka how gala wadankaasi denmark waxaana kala qayb qaadanayay fududaynta howshaasi Machadka Tababarka Saxaafada ee Warsame C/ Shirwac iyo ururka Haweenka ee SWA{Somali Women Assosiation} Iyadoona halkaasi laysku dhaafsaday fikrado kala gadisan oo ku aadan qaabka iyo cidda ka how galaysa idaacadaasi.

Nasiib Maxamed Farax waa agaasimaha Qaran Media wuxuuna ka waramayaa qaabka ay u shaqayn doonto idaacadaani ku hadli doonta afka dumarka isagoona sheegay in u jeedada ugu wayni ay atahay in dumarka soomaaliyed ay helaan meel ay ku soo gudbistaan aaraahdooda kagana falan qoodaan arriamah qaaska u ah dumarka ,ayna ku baahin doonaan dhammaanaba gobalada soomaaliya Mustaqbalka dhow.

Xasan Abuukar Cali {XasanBaydhabo} oo ah maamulaha machadka tababrka saxaafada ee Warsame Ca/ Shirwac ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay howshaani ayna ahayd mid muddo lagu taamayay Maantana ay hirgashay Tahayna fursad ay heleen hawayn waynaha soomaaliyeed.

Idaacad ku hadasha afka Haweenwaynaha Soomaaliyeed ayaa ah mid ku cusub Dhagaha shacabka Soomaaliyeed waxayna ka qayb qaadanaysaa idaacadaani barnaamijyada kor loogu qaadayo aqoonta Dumarka iyadoona ay ka bixi doonaan barnaamijyo looga hadlayo dumarka marka laga reebo xilliyada Warka sida ay sheegeen mas’uuliyiinta idaacadaasi sidoo kala shaqaalaha idaacadaasi ka howl gali Doona ayaa gabi ahaantoodba noqon doona Dumar.
Daawo Sawirada



Samiiro C/raxmaan Cabdulle
Garoowe