Hadii hurdadu kugu yaraato habeenkii oo aad xidigaha tirayso, lugahana ruxid ugu dhaqaaqdo, isla markaana marba doc aad isu gadiso, tiiyo ay sii dheer tahay inaad sariirta iyo barkinta necbaysato oo aad madaxa calaasha saarto ama wajiga hore gacmaha marmariso, intaasi oo dhan macnuhu ma ahan inaad hurdo shaxaadayso oo aad tartiib tartiib tareenka hurdado ku raacayso, inay sidaasi kugu dhacdo oo aad hurdo waydo waxaa haatan la cadeeyey inay qayb ka tahay isticmaalka faraha ee qofku ku bixiyo adeegsida Cumputer-ka ama mobile-ka, sidaasi darteed inaad ka qaadato waqti yar oo aad ka nasato waa lama huraan.
Kooxo saynisyahano ah (Scientists) ayaa dhawaan soo saarey daraasad cusub oo isku lamaaninaysa hurdo yarida iyadoo la sheegay in ayba adag tahay in qofka qabatima aaladahaasi ay ku adag tahay in uu seexdo isagoo awood u laheynba markeeda horeba in uu damiyo.
Kooxdan sayisyahanada ah oo u dhashay dalka Sweden oo soo xiganayey baaritaano iyo wareysiyo kala duwan oo laga qaaday dad da’doodu u dhaxayso 19 jir ilaa 28 sano jir kuwaasi oo isagu jira lagu ogaaday in dadka ugu badan ee ka cabanaya hurdo yarida iyo xanuunada depression ama niyad jabka (diiqada).
Dadkaasi daraasadka laga sameeyey qaarkood waxay ahaayeen dad aanba gacanta saarin oo aan isticmaalin computer-ka iyo kuwa inay dul fadhiyaan mooyee camal iyo hawl kale aan midna laheyn, iyo kuwa kale oo 150 saacadood asbuucii ku bixiya isticmaalka computer-ka iyo mobile-da.
Natiijada ka soo baxdey daraasadan waxay cadeysay in uu jiro xiriir adag oo u dhaxeeya isticmaalka faraha badan ee computer-ka iyo Mobile-ka iyo qashqashaada ku timaada qaadashada hurdada sida caadiga ah.
Laakiin saynisyahadan oo ka tirsan Jaamacada University of Gothenburg ee dalka Sweden waxay sheegeen inta badan xiriirka ka dhaxeeya depression-ka (diiqada) ama niyad jabka ka dhasha isticmaalka computer-ka uu ku badan yahay haweenka oo ay aad uga badan yihiin ragga.
Saynisyahanadu waxay kaloo ku xuseen daraasadooda in waqti fara badan oo qofku bixiyo isticaalka computer-ka iyo mobile-ka ay ku noqon karto mid aan ku wanaagsaneyn xaalada maskaxda caafimaadka iyo hurdada, iyadoo laga heli karo xaalado walwal.
Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com