Caracas:-madaxweynaha dalka Venezuela Hugo Shafez ayaa dalkiisa dib ugu soo laabtay kadib markii dalka Cuba looga soo daweeyey cudurka Cancer-ka.

Soo noqoshadiisa ayaa ku soo beegmaysa maalin ka hor dabaal dagii laba boqolaad ee ka soo wareegtay markii dalkaasi uu xornimadiisa ka qaatay dalka Spain.

 

Shafez ayaa ka soo muuqday sawir uu baahiyey telveison-ka qaranka Venezuela isagoo xiran dharka Sport-ga oo cagaar iyo caddaan isugu jiro isagoo gacan qaadaya mas’uuliyiin ku soo dhoweysay airport-ka .

Madaxweyne Shafez ayaa u sheegay shacabka Venezuela in xaaladdiisu caafimaad ay aad ugu wanaagsan tahay

Maqnaanshaha Madaxweynaha Venezuala ee talada dalkiisa waxaa ay keentay dib u dhaca kulamo badan,iyadoona kii ugu dambeeyay uu ahaa shir madaxeed ay lahaayeen wadamada Gobolkaasi.

Dadka falanqeeya siyaasada Madaxweynaha Venezuala waxaa ay sheegeen in Shavez uu ka yara badalan yahay qaabkii uu ahaa,iyadona qaab hadalkiisu uu yahay mid la ciifa.

Ustaad C/Xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring