Madaxweynaha Venezuala Hugo Shavez ayaa Sadex Abuuc kadib waxaa markii ugu horeeysay uu kasoo hormuuqday Taleefishinka,iyadoona sida uu sheegay uu yahay mid caafimaad qaba qaliin lagu sameeyay uu haatan ka buskooday.

Hugo Shavez waxaa daqiiqadihii uu ka haladlayay Taleefishinka uu ku dheeraaday xaaladiisa caafimaad,isagoona sheegay haatan in uu ka fiican yahaya qaliin xaunuunka Kansarka ah oo lagu sameeyay.

Maqnaanshaha Madaxweynaha Venezuala ee talada dalkiisa waxaa ay keentay dib u dhaca kulamo badan,iyadoona kii ugu dambeeyay uu ahaa shir madaxeed ay lahaayeen wadamada Gobolkaasi.

Dadka falanqeeya siyaasada Madaxweynaha Venezuala waxaa ay sheegeen in Shavez uu ka yara badalan yahay qaabkii uu ahaa,iyadona qaab hadalkiisu uu yahay mid la ciifa.

Maalmo kahor waxaa si aad ah looga dayriyay xaalada Caafimaad ee Hugo Shavez,waxaana hadalkiisu uu imaanaya xili dalka Venezuala si aad ah looga dhagtaagayay maqalka Oraahda Shavez.

Mudo Sadex Asbuuc ah ayaa Hugo Shavez waxaa uu ku sugnaa Dalka Cupa,iyadoona u jeedka ugu weyn ee uu dalkaasi u tagay ay ahayd qaliinka haatan lagu sameeyay.

Hugo Shavez ayaa dalal badan oo caalamka ah looga arkaa in uu yahya geesi,iyadoona inta badan siyaasadihiisu ay yihiin kuwo dhaliila reer galbeedka,gaar ahaan Dowlada Maraykanka.

SBC International Monitoring