Maamulka iyo hawlwadeenada SBC oo maanta kulan ducayn ah u qabtay Ustaad Cabdixakiin Maxamed oo qaraxii shalay ku geeriyooday

Kulankan tacsiyaynta ah oo maanta ka dhacay xarunta warbaahinta SBC ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qayb galay dhamaan maamulka iyo

Hawlwadeenada SBC qaybahooda kala gadisan ee ku sugan xarunta kaasoo loogu ducaynayay Ustaad Cabdixakiin Maxamed Cumar oo shalay qarax ka dhacay Hotel Aljazeera ugu geeriyooday.

Ustaad Cabdixakiin Maxamed Cumar waxaa uu ka mid ahaan jiray howlwadeenadii ugu firfircoonaa SBC tan iyo sanadkii 2007 xiligaas oo uu ka mid ahaa daadihiyaashii barnaamijka kadiska iyo waliba barnaamijka dunida muslimka kaasoo si qoto dheer ah uga hadli jiray siyaasadaha isdiidan ee dunida carabta ka jira waxaana uu sidoo kale gacmaha kula jiray dhanka waxbarashada isagoo macalin iyo maamule ka noqday dugsiga xalane .

Agaasimaha SBC Maxamed Deeq Cabdalla oo ugu horayn ka warbixiyay taariikhdiisa ayaa aad ugu dheeraaday isagoo sheegay in waxbarashadiisii danbe uu ku Soo qaatay dalka Masar ka dibna markii uu dalka ku soo noqdayna uu ku soo biiray bahda SBC oo uu ka gaaray agaasime xigeen isagoo  saxaafada puntland Gacanta uu ku lahaa ay ahayd mid joogto ah iyo waliba soo saarista saxaafiyiin tayo leh macadkiisa saxaafada Xalane,

Deeq waxaa uu carabaabay in uu ifka uga Tagay marxuumka 10 caruur ah, waxuuna dhamaan bahda saxaafada iyo waxbarashada uga tacsiyeeyay geeridaasi naxdinta leh dhamaan ehaladiisa iyo caruurtiisa.

Maxamed Cali Iimaan oo ka mid ah hawlwadeenadii ay wada shaqeeyeen ayaa ku sifeeyay marxuum Ustaad Cabdixakiin shaqsi af gaaban qoraa iyo aqrin badana ku darsaday xirfadiisa saxafanimo waxuuna  intaasi raaciyay in maanta saxafiyiinta ka hawlgala gobolka bari intooda badan ay ka soo aflaxeen Macadkii uu gacanta Ku hayay Cabdixakiin Maxed.

Dhamaan wariyaashii isugu yimid tacsiyaynta ayaa qiray in labo ka mid ah halbawlaha saxafiyiinta ay baxeen kuwaasoo ku geeriyooday qaraxii Hotel Jasiira Waxayna eebe uga baryeen janadii fardowsa dadkii iyo eheladii ay ka tageena samir iyo iimaan waxayna sidoo kale halkaas ugu duceeyeen Wariye Salmaan Jamaal oo isna dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaas in eebe caafiyo.

inaa lilaahi wa inaa ilaahi Raajucuun.