Maamulka gobolka Karkaar, Kan degmada Qardho, isimo iyo waxgaradka gobolkaas ayaa maalintii lixaad ka wada deegaano hoostaga gobolka siiba kuwa ku hareereysan magaalada Qardho bur burinta beeraha La’ooto Ama loo yaqaan Seereysiga.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha SBC International ee Magaalada Qardho Maxamed C/laahi oo la socda gudiyada fulinaya Howlaha Burburinta Seereysiga ayaa sheegay in feyskii Sedaxaad ee howlgaladan Burburinta laga fuliyay Deegaano ku dhereran Laamiga dheere ee isku xira magaalada Boosaaso iyo Garoowe.

Deegaanada laga Fuliyay howlahan lagana Burburiyay beeraha la ooto ayaa waxaa ka mid ah airoborka ilaa tuulada ceeley, iyadoo horay looga soodundunshay fasekii kan kahoreeyay deeganada ayax mana jiraan wax caqabdo ah ee kahor yimi burburinta beeraha.

Kulan ay yeesheen khamiistii maamulka dagamada kan gobolka iyo odayaasha ayaa waxaa laisku afgartay ilaamaa iyo inta beerta ugu danbaysa Burburinta inay soconayaan kulamadaan ookale ee lagaga hadlayo dumduminta beeraha Seereysiga lagu ooto.

Duqa degmada Qardho ayaa wuxuu u mahadnaqay gudigii howshaan fulinayay ee ay u horeeyaan nabadoonada iyo shacabka kudhaqan magaalada qardho isagoona sheegay in ay howlahan oo kale siiwadayaan ilaa ay ka soo afjarmaan.

Dhulkii manta laburburshay ee beerah ayaa waxaa hogaaminayay nabadoono ay kamidyiihiin, Nabadoon cali faarax dhagan, Nabadoon cali maxamuud (cali faandhe), Nabadoon bashiir faarax yare,Iyo gudi katirsan maamulka degmada iyo weliba wasaarada deegaanka.






 

 

Maxamuud C/laahi Faarax
SBC International Qardho.