Munaasabad xariga loogaga jarayay Hotel Guul Plaza ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socota Puntland sida kuwa gobolka, degmada iyo marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen nabadoono isimo iyo Culimaa udiin.

Waxa munaasabadaasi oo ka dheceysay isla hotelka Xariga laga jarayay ee Guul Plaza ka hadalo ka soo kala jeediyay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Puntland iyo waxgarad kale .

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Puntland oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu amaan u soo jeediyay mulkiilayaasha Hotelka sida wanaagsan ee ay ugu dhiiradeen in ay xiligan Furaan Hotel Cusub oo ka mid noqonaya Hoteelada Magaaladan Boosaaso, waxaanu sidoo kale ugu baaqay ganacsatada kale ee Reer Puntland in ay ku daydaan Ganacsadahan.

Dhanka waxgaradka waxaa isna halkaasi hadalo qiimo badan ka soo jeediyay Garaad C/laahi Cali Ciid oo ah Afhayeenka Isimada Puntland isagoona halkaasi amaan balaaran uga soo jeediyay ganacsadaha maalkiisa ku bixiyay in uu furo hotelkan Cusub ee Guul Palaza

Hotel Guul Plaza ayaa ah Hotel weyn oo leh dhinacyada kala duwan ee Adeega bulshada waxaana uu ka mid noqonayaa hotelada waaweyn ee ku yaala Magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Dowlada Puntland.

Daawo sawirada