Tan iyo markii ay dhaceen dagaalada Sokeeye dadka Soomaaliyeed waxaa isugu darsamay Sadex waxyaabood oo Alla laga Magan galo  oo kala ah Colaad, Abaar iyo Cuduro iyadoo taasi ay irto ayaa qaar ka  mid ah dadka soomaaliyeed waxay Dhibaatadaas mudada dheer Dalkooda ka jirtay ka dhaxleen in Walwal iyo Walbajhaar ka dib marki ay waayeen Ilaah ka sokow Cid Gacan ku siisa dhibaatadaas  hadaba Sacdiya Axmed Maxamed waa Hooyo Soomaaliyeed oo la nool Cudurka HIV/AIDS waxay heysataa Lix Caruur ah oo Agoon ah oo Aabahood uu u Geeriyoodey Cudurka HIV/AIDS .

Hooyo Sacdiyo Nasiib Wanaag Caruurteeda Lixda ah way ka badbaadeen Cudurka HIV/AIDS-ka hase yeeshee waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u korin lahayd Caruurtaas Agoonta ah waxayna Sacdiya Ehelkooda ay ku faquuqeen Cudurkaas taasoo ku sii beertey in ay  ku noolaato Nolol Cariiri iyo Walbahaar ku dhisan waayo dadka Soomaaliyeed ma ma fahamsana in Cudurkaas ka mid yahay Cudurada kale ee Adduunka ka jira.

Mid ka mid ah Sawirada Waxaa kaaga Muuqanayaa Weriye Amiin oo la fadhiya Hooyo Sacdiyo iyo Lixdeeda Caruurta ah  waxayna ku faraxsaneyd in aan ku booqdo Guriga hadda ay ku nooshahay oo ka sameysan Jiingadda.

“Markii aan ku booqdey Guriga Hooyo Sacdiya,waxaan ugu tagey Guri ka sameysan Jiingad (Laamayeeri) oo weliba ay ijaar ugu jirto Qolkaas Afarta Mitir ah waxaana ku Hoyda iyada iyo Lixdeeda Caruur ee Agoonta ah weliba lagu Faquuqey Jiingadaas, waana hooyo u baahan Kaalmo heer Bulsho ah waxayna  ku Cataawdey in ay u baahan tahay Guri iyadu ay
leedahay oo Jiingadba ka sameysan taasoo si Xor ugu noolaan lahayd iyo Carureeda” ayuu yiri Amiin Yuusuf Khasaaro oo Sacdiya ka codsatey in Codsigeeda uu uu gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee Dibadaha ku nool  si ay ugu  gargaaraan iyada iyo Caruurteeda.

Hadaba Cidii dooneysa in ay gacan siiso Hooyo Sacdiya waxay la soo xiriiri karaan

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494
Tel 0025262532494