Holand, Portugal & Czeck oo guuldaro dhadhimiyey (kulamadii Group A & B)

Koobka kubada cagta ee qaarada Yurub oo ah kan labaad ee dunida loogu xiiso badan yahay marka laga soot ago FIFA World Cup ayaa si habsami leh uga socda 8 garoon oo ku kala yaal wadamada Poland & Ukraine oo si wadajir ah u martigalinaya koobkan markii ugu horeysay.

Koobkan oo ay ka qayb galayaan 16 wadan waxaa Jimcadii iyo Sabtidii la ciyaaray kulamada kooxaysiga  (Group) A & B, waxaana ilaa iyo hada sadex kooxood oo kala ah Ruushka, Denmark iyo Germany ay heleen guusha kulamadii ay ku lugta lahaayeen iyagoo min sadex dhibcood oo nadiif ah boorsada ku xirtey.

Poland & Greece

Poland oo ka mid ah martigaliyaasha koobkan waxay ku qaabishay caasimadeeda Warsaw kooxda qaranka Gariiga, kulankaasi oo ka dhacay  garoonka  National Stadium (Stadion Narodowy) ee magaalada Warsaw wuxuu ahaa kulan xiiso gaar ah lahaa iyadoo labada kooxood kulankaasi ku dhameysteen min 10 ciyaartooy,ka dib markii ay kaarka cas qaateen laba ciyaaryahan oo midi ahaa goolhayaha xulka Poland kana tirsan kooxda Arsenal ee reer England.

Daqiiqadii 17-aad garoonka National Stadium  oo ay xaadir ku ahaayeen 56 kun oo daawadayaal ah oo u badnaa Polish waxaa ruxay gool caaqibo leh oo uu madaxa ku dhaliyey weeraryahanka reer Poland ee u ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka ka dhisan, kaasi oo dhaliyey goolkii ugu horeeyey ee koobka EURO 2012.

Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay goolka ku hogaaminayeen kooxda martida loo ahaa ee Poland waxaa si xarago leh loo maamulka xulka Gariiga oo koobkan qaaday sanadkii 2004-tii, balse markii la isku soo laabtey qaybta labaad waxaaa ciyaarta majaraha u qabtey xulka Gariiga oo lix daqiiqo oo qura markii ay socotey ciyaarta helay gool uu shabaqa reer Poland ku hubsadey ciyaaryahan Dimitris Salpigidis oo 30 sano jir ah, ninkan oo ah ninkii dhaliyey sanadkii 2010 koobkii aduunka ee South Afrika lagu qabtey goolkii ugu horeeyey ee abid uu dhaliyo xulka Gariiga ciyaaraha koobka Aduunka, kaasi oo uu ka dhaliyey xulka qaranka Nayjeeriya, laakiin Gariiga waxaa kaarka cas ka qaatey Sokratis Papastathopoulos.

Poland oo sidii doono ciyaarta loo maamushay waxaa xaalada biyo kulul uga sii dhigay markii uu kaarka cas qaatey gool ilaaliye Wojciech Szczesny ka dib markii uu gooshiisa dhexdeeda uu jilaafo la helay Dimitris Salpingidis oo kubad caaqiboi leh loo soo dhigay.

Rigoorada Gariiga loo dhigay waxaa xabadka u garaacay oo goolhayaha labaad ee xulka Poland Przemyslaw Tyton kana tirsan kooxda PSV Eindhoven ee reer Holand oo badal lagu soo galiyey ciyaarta isagoo kubadii ka qabtey captain-ka xulka Gariiga Giorgos Karagounis.

Natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhamaatey 1-1 iyadoo labadan kooxood ay la kula kulmi doonaan Ruushka iyo Czech.

Ku darso intaad ka ogtahay

Ciyaartan waxaa dhexdhexaadinayey garsoore  Carlos Velasco Carballo oo u dhashay wadanka Spain, ninkan wuxuu xili ciyaareedkii ugu dambeeyey uu qabtey 19 kulan oo ka mid ahaa horyaalka Spain ee La Liga 19-kaasi kulan wuxuu bixiyey 16 kaarka cas (red Card.

Ruushka oo ku durduriyey xulka Czech Republic

Xulalka Ruushka & Czech oo koobkan min hal mar ku guuleystey ayaa kulankii labaad ee Group A ee koobka EURO 2012 waxay ku yeesheen garoonka Miejski,ee maagalada Wroclaw ee dalka Poland kaasi oo ay Jimcadii ku soo xaadireen 37 kun oo qof, waxaana kulankaasi si ba’an loogu awood sheegtey xulka qaranka Czech oo 4-1 lagu xasuuqay.

Ciyaaryahan Alan Dzagoev oo bishan 17-keeda 22 sano jir noqonaya ayaa laba gool u saxiixay daqiiqadihii 15-aad & 79-aad xulkiisa Ruushka, iyadoo laba gool oo kale ay ku biireeyeen Roman Shirkov daqiiqadii 24-aad iyo Roman Pavlyuchenko daqiiqadii 82-aad.

Ciyaaryahan Vaclav Pilar ayaa daqiiqadii 51-aad wuxuu rajo galisay xulkiisa Czech ka dib markii uu dhaliyey gool kulanka xiligaasi ka dhigay 2-1, laakiin inay gool kale ku daraan xulka Czech way u noqon waydey, waana taasi mida keentey in laba gool kale oo dheeraad ah dhabarka loo saaro.

Natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhamaatey 4-1, iyadoo xulka Ruushka hadii ay badiyaan kulanka ay la yeelanayaan Talaadada xulka Poland ay baneysanayaan inay u gudbaan wareega 8-da, xulka Czech waxaa sugaysa shaqo adag oo ah inay ka badiyaan Gariiga hadii ay doonayaan inay soo ceshadaan rajadooda kulamada horyaalkan.

Ku Darso intaad ka ogtahay

Ciyaaryahan Gebre Selassie oo daafaca uga ciyaara xulka qaranka Czech wuxuu noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey ee asalkiisu ka soo jeedo madow oo qaranka wadankaasi u safta.

Gebre Selassie Aabihiis waa Itoobiyaan, Hooyadiisna waxay u dhalatey Czech Rebuplic, waxaana uu ku dhashay magaalada Třebíč ee wadanka Czech.

Alan Dzagoev oo laba gool u dhaliyey xulkiisa Ruushka wuxuu noqdey ciyaaryahankii labaad ee ugu da’ada yaraa ee laba gool hal kulan ku dhaliya koobka EURO, iyadoo horey uu sanadkii 2004-tii isagoo 18 jir ah uu laba gool hal mar dhaliyey ciyaaryahanka Wayne Rooney ee u dhashay wadanka Ingiriiska.

Kulanadii Sabtida 9-ka June 2012  (Group)

Holand oo karbaash aanay fileyn ay ku dhufatey Denmark oo la yasayey

Garoonka Metalist Stadium ee magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine waxaa ku kulmay xulalka Holand & Denmark oo qayb ka ah group B, waxaa kulankaasi uu ku soo dhamaadey natiijo lama filaan ah oo Denmark ay markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1967-dii ay ka badiso xulka Holand.

Labadan kooxood oo min hal mar ku guuleystey koobkan (Holand 1988) (Denmark 1992) waxay si weyn loo saadaalinayey in xulka Orange ee reer Netherlands uu kulankaasi guusha iyo dhibcaha la hoyan doono, laakiin sidaasi ma aanay noqon oo waxaa dhacay filan waa iyo la mood noqonse waydey, ka dib markii weeraryahanka lambarka 9-ka u qaata xulka Denmark Michael Krohn-Dehli oo todobaadkan u dabaaldegay sanadguuradiisii 29 sano jir uu kubad caaqibo leh ka dhex saaray lugaha gool ilaaliyaha reer Holland  Maarten Stekelenburg daqiiqadii 24-aad, taasi oo neefta ku dhajisay xulka Xuland ee ay ka buuxaan xidigaha ugu caansan xiligan kubada cagta.

Inkastoo kubad maamulkeeda ay haysteen reer Holand oo ay 60% haysteen kubad haysashada iyo baasaska hadana Denmark oo shabaqeeda 32 jeer la sigay nasiibka oo u hiilay iyo deganaan difaac ku lamaansan yahay ayay ku dhameysteen ciyaarta, waxaana meesha ka baxdey rajadii kulankaasi laga qabay oo ahaa in reer Holland ay si fudud ku dhaafi doonaan qaranka Denmark oo macalinkooda da’ada Morten Olsen uu ka dhabeeyey go’aankiisii ahaa in reer Denmark aanay noqon doonin kabo ay ku socdaan ciyaaryahanada Holand.

Xulka  waxay ku soo galeen garoonka laacibiin fara badan oo ay ka mid yihiin Van Persie, Sneijder, Robben,Afellay, Van Bommel, iyadoo badal ay ku soo galeen Van der Vaart, Kuyt & Huntelaar laakiin magacyadaasi caanka ka ah kubada cagta iyagoo madaxa hoos u foorarinaya ayay garoonka isaga baxeen.

 Tababaraha xulka Holand Bert van Marwijk waxaa sugaya imtixaan adag waxaana laga sugayaa in labada kulan ee u dhiman ee uu la ciyaari doono Portugal oo laga badiyey iyo Germany oo sadex dhibcood haysta.

 Ku Darso intaad ka ogtahay

Xulka qaranka Holand waxay dhaliyeen 37 gool ciyaarihii isreebreebka koobkan EURO 2012 waana xulka kaliya ee golaal intaasi la’eg dhaliyey

Germany oo ciil badey Portugal oo wadata laacibkooda Cristiano Ronaldo

Magaalada Lviv ee ku taal xuduuda labada wadanka ee martigalinaya koobkan EURO 2012 ee Ukraine iyo Poland kana tirsan wadanka Ukraine garoonka caanka ah ee ku yaal ee Arena Lviv waxaa xaley ka dhacdey ciyaar ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan kubada cagta taasi oo ay isku foodsaareen labada xul ee Portugal iyo Germany oo xiligan ah kooxaha kubada cagta ee miisaanka culus.

Kulankan oo xulka Portogal si adag ayuu isagu soo diyaariyey laakiin ilaa iyo hada Bortiqiisku kama aanay soo kaban dhibka ka haysta la’aanka weeraryahan afka hore ama Center Forward oo caawiya laacibiinta garbaha ka cararaysa sida Nani iyo Ronaldo, iyadoo kubada badan oo laga soo dhisay garbaha iyo dhexda ay waydey dhameystir.

Inkastoo labada kooxood ay ismari waayeen isla markaana jilbaha la isku aasey weerar iyo weerar celis hadana darbiga difaaca Portugal waxaa jabiyey kubad uu soo laanjeeyey (cross) xidiga Real Madrid ka tirsan ee asalkiisu ka soo jeedo Tunisa balse hooyadiis ay Jarmalka tahay Sami Khedria oo kubadii uu soo dhigay uu madaxa la helay weeraryahanka Bayern Munich Mario Gomes isagoo kubadaasi shabaqa suray ka dib markii ay hareer martey gool ilaaliyaha Portugal  Rui Patricio.

Germany oo kaalinta sadexaad kaga jirta liiska qaramada kubada cagta ee ugu wanaagsan aduunke ee FIFA waxay u gudbaysaa wareega 8-da hadii ay ka badbaado kulanka Holand Arbacada ay la yeelanayso.

Ku darso intaad ka ogtahay

Germany waligeed ciyaaraha EURO kulanka furitaanka lagama badin, waxaana kulankii ay sii xaqiijisatey rikoorkaasi.

Portugal oo kaalinta 10-aad kaga jirta liiska qaramada kubada cagta ee ugu wanaagsan aduunke ee FIFA, mudo 20  sano oo ay ka qayb galey ciyaaraha EURO marna laguma reebin wareega kooxaysiga (Group-yada), laakin ma xaqiijin doonta sanadkan rikoorkaasi.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print