Inkastoo ay jiraan maalmo caalami ah iyo kuwo qarameed oo ku gaar ah Soomaaliya ayaa misana waxaa dhanka kale jira wakhtiyo madow oo araxda gooyay horu socodkii Soomaalida, kuwaasi oo ku asteysan inay yihiin xilliyo aan u wanaagsaneyn dadka iyo dalka Soomaaliya.

25-kii bisha April 2011, waxay noqotay maalin nasiib darro oo u soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed, maxaa yeelay maalintaasi waxaa mar kale soo ifbaxay cadowtinimada ay qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya iyo daneystayaal taageerayay ay u qabaan lugooyada dadkooda, kaddib kolkii ay dagaal oogayaashaasi ka sheegeen shir wakhtigaasi lagu qabanayay Hotelka Saxafi International inay ka soo horjeedaan oo ay diidan yihiin iftiinka Dowladnimada ee Soomaaliya, isla markaana aanay u cuntameynin guulaha ay Dowladda KMG ahi ka gaartay kooxda Al-Shabaab.

Alla nasiib daranaa Soomaaliya, markii muddo la joogaba waxaa gorodda lala gelayaa mushkilad aadami abuur ah, sida colaado la abuurayo, iska hor keen bulsho, kala qeybin degaano lagu wada noolaa iyo kahor imaanshaha horumar kasta iyo rajo walba oo ay shacbiga Soomaaliyeed ku naaloon lahaayeen, iyadoo arrimahaasina inay ku kacaan lagu yaqaano qabqablayaashii dagaalka ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya la degay.

Talaadadii inaga tagtay oo ku beegneyd 25/04/2011 ayaa Muqdisho waxaa lagu qabtay shir la mid ahaa kii Barlin ee Soomaaliya iyo Afrikaba lagu qeyb qeybiyay, waxaana shirkaasi ugu jeeni weynaa qabqable Muuse Suudi Yalaxow oo horseed ka ahaa dagaaladii Muqdisho, dagaal ooge Indhacadde oo lagu xusuusto baadi uu ku heystay gobolka Sh/hoose, daneyste Cabdi Qeybdiid oo kow ka ahaa kooxdii Ashahaado la dirirka, C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ahaa iibiyihii Badda Soomaaliya xilligii uu Wasiirka ka ahaa xukuumadii Cumar C/rashiid, C/raxmaan Dheere oo ka mid ahaa horjoogayaashii Maxkamadaha kuwoodii ugu fud fududaa iyo daneystayaal kale oo u badnaa kuwo kuraasta Baarlamaanka ku helay xasuuqa, barakicinta dadka iyo burburinta dalka Soomaaliya.Hadallo ay hoggaamiye kooxeedyadaasi ka jeediyeen shirkaasi ayaa waxa ay ku muujiyeen sida ay uga biyo diidsan yihiin jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo ku qeylinayay inaanay u muuqan horu socodka ay sameysay xukuumadda Federaalka Soomaaliya, balse ay ku qancayaan oo kaliya in la qabto doorashooyin u muuqda qiiq isku qaris daneysi shaqsiyeed uu ka dambeeyo.

Dooda dagaal-oogayaashaan ayaa u eg inay tahay mid aan xilligaan socon karin marka loo eego xaaladaha lagu jiro iyo rabitaanka inta badan ee Golaha Baarlamaanka iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed oo wada doonaya in fursad la siiyo xukuumadda KMG ah si ay u dhameystirto howlaha loo igmaday oo uu amniga ugu horeeyo, iyadoo muddo hal sano ah dib loo riixayo doorashooyinka la iclaamiyay in la qabanayo bisha Agosto ee sanadkaan.

Hadallada lagu yaqyaqsooday ee 25-kii bishaan afkooda ka soo baxayay raggaan shahaadooyinka sare ku qaatay dhibaateynta dadkooda ayaa waxaa hubanti ah in muwaadin walba uu dhibsaday hadaladaasi aan loo meel dayin ee ku qotomay dowlad-diidnimada ee ay ku hadaaqayeen qabqablayaashaasi iyo daneystayaashii kaabayay.

Muuse Suudi oo dagaal oogayaashaasi ugu oraah qaraaraa marka loo eego nacaybka uu Dowladnimada u qabo darteed ayaa waxaa lagu xusuustaa taariikhdii madoobeyd ee uu sameeyay intii u dhaxeysay 1991–2006-dii, kaasi oo sanadahaasi horseed ka noqday kala qeybsankii ku dhacay ururkii USC/SSA ee uu Cali Mahdi guddoomiyaha ka ahaa, wuxuuna intaasi dabadeed uu u qalab qaatay inuu dagaal ka dhex rido beeshiisii oo ku dirirtay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, isagoo isla xilligaasina kala saarsaaray ganacsatadii ku sugneyd suuqa degmada Kaaraan oo wakhtigaasi maleeshiyadiisu gacanta ku heysay degaanadii ku xeernaa seyladaasi, iyadoo halkaasi ay ku hareen intii isaga heyb wadaagta la ahayd, halka intii kalena ay u kala yaacday suuqyada Jamhuuriya, Suuq Bacaad, Siinaay iyo goobo kale.

Nasiib darrooyinka kale ee uu maleegay Muuse Suudi waxaa kaloo ka mid ahaa dagaalkii lagu hoobtay ee uu ku qaaday Dekeddii dabiiciga ahayd ee Ceel Macaan iyo dirirtii kale ee uu la galay xoogagii raacsanaa Bashiir Raage Shiiraar kuwaasi oo lagu waayay dad iyo duunyo aad u fara badan, waxaase dad badan oo aad u dhibsaday qabqablahaasi oo iyagu ku noolaa degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir ay neef weyni ka soo fuqday bartamihii sanadkii 2006-kii xilligaasi oo ciidamadii Midowga Maxkamadaha ay ku qasbeen inuu Badda isku tuuro isagoo ka baxsanayay in loo qabsado dembiyadii dagaal ee uu dadka iyo dalka ka galay.

Qabqablayaasha kale ee kulankii Hotel Saxafi ka soo muuqday waxaa ka mid ahaa dagaal ooge Yuusuf Indhacadde oo lagu tilmaamo jirjiroolaha ugu isbed bedelka badan hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya, kaasi oo lagu xusuusto dhibaatadii lixaadka lahayd ee uu ka geystay gobolka Sh/hoose ilaa ay ka gaartay in qaar ka mid ah maleeshiyadiisu ay ku dhiiradaan inay iibsadaan biyaha Wabiga Shabeelle isla markaana ay la wareegaan dhul beereedyo aad u fara badan oo ku kala yiilay degaano ka tirsanaa gobolkaasi.Hoggaamiye kooxeedka saddexaad ee madashii Saxafi muuqiisa lagu arkay waxa uu ahaa daneyste Cabdi Qeybdiid oo ahaa saldhigii uu ka bilowday dagaalkii afar biloodka ee 1991–1992-kii ee ka dhex dhacay taageerayaashii Cali Mahdi iyo kuwii Jan. Caydiid ee bilowday 17-kii November 1991-kii, kaasi oo ahaa dagaal sokeeye kii ugu xumaa ee dhinaca qabiilka qabiilka ku saleysan ee ka dhex dhaca dad Soomaaliyeed.C/raxmaan C/Shakuur iyo C/raxmaan Dheere oo u muuqday kaaliyayaashii hoggaamiye kooxeedyada ayaa ah laba ruux oo lagu tilmaamo inay yihiin qaadumiinta odayga Baarlamaanka hoggaamiya ee tiisa mid aan ahayn u muuqan, iyadoo labadaan ruux ay yihiin qaar Dubbe ama Burris loogu soo dhiibay inay ku garaacaan dowladnimada Soomaaliya oo ay ku heshiiyeen haddii ay tooda waayaan inay ka go’an tahay sidii ay dhulka ugu dari lahaayeen iftiinka dowladnimada ee u baxay Soomaaliya.

Kooxdaan iyo daneystayaashaan raacsan ayaa markii miisaan nabadeed la saaro waxaa kuu soo ifbaxaya inay yihiin dembiilayaal dagaal oo xiiseynaya sidii ay Soomaaliya dib ugu celin lahaayeen wakhtigii hoggaamiye kooxeedyada ay shacbiga qabiil qabiilka u kala ooteen si ay uga nabad galaan in lala xisaabtamo bacdamaa ay yihiin dagaal oogayaal dad iyo duunyo badan horay u galaaftay.

Ma filayo shacbiga Soomaaliyeed oo ka dheregsan dhagarta iyo hagardaamada nimankaan inay dheg jalaq u siin doonaan hadaladooda ku aadan dowlad-diidnimada, waxaana hubanti ah in dharaar cad ay bulshada ka hor imaan doonto raggaan horay u soo dillooday, maantana u soo dhar dhigtay inay dib ugu celiyaan xilligii qabiil qabiilka, fowdada iyo dowlad la’aanta.

Soomaalaay…Haddii aan waaya arag u nahay shalay wixii dhacay iyo wixii ay naga bi’iyeen hoggaamiye kooxeedyadii suurtagal ma tahay inaan dib u aamino beentooda, jawaabta waxaan filayaa inay tahay MAYA, sidaasi daraadeed waxaan oran lahaa aan ka digtoonaano daneystayaashii si aysan mar dambe inoogu owr kacsan iyaga iyo inta la hal maasha ee dadyahow Soomaaliyeed aan taageerno Dowladnimada inoo tisqaaday iyadaa na wada kaafin kartee.

 Waxaa Diyaariyay:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
Jabriil2010@hotmail.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan uu xambaarsan yahay waxay u gaartahay qoraaga SBC masuul kama aha.