Lahoi:- Maxkamadda dambiyada dagaalka ee hoostagta QM ayaa kuxukuntay taliyihii hore ee ciidamada Rwanda Ogestiin Bazimungo xabsi dhan 30 sano , kaalintii uu kulahaa xasuuqii kadhacay dalka Rwanda sanaddii 1994.

Bazimungu ayaa la ‘aamisan yahay in uu kamid ahaa saraakiishii ugu sareesay ee ay maxakamadda dambiyada dagaalka ee laga dhisay magaalada Aruusha ee dalka Tanzania ay ku soo saarto amar lagu soo xirayo si wax looga weydiiyo xasuuqii kadhacay dalka Rwanda ee ay ku dhinteen sideed boqol oo kun oo qof sannadkii 1994-kii, ka dib markii falaagooyin asal raac ah oo ka mid ah qabiilka Hutuga ee ku tirada badan dalka Rwanda ay weerar ba’an ku qaadeen Mujtamaca kale ee ay wada degaan ee Tut-siga ee ay ka tirada badanyahiin.

Dhanka kale Martin Ingoga oo ah xeer ilaaliyaha guud ee dalka Rwanda aoo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo dhoweeyey xukunka maxkamadda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Bazimungu ee lagu qabtay dalka Angola sanaddii 2002 uu ahaa ninka amarka siinayey maleeshiyaatkii fuliyey xasuuqii kadhacay dalka Rwanda sanaddii 1994.

Sidoo kale maxkamadda ayaa ku eedeesay Bazimungo in uu ku booqanayey koxaha hubaysan guryahooda islamrkaana uu ku amrayey in ay dilaan qabaa’ilka Tutsiga ee uu ku tilmamay in ay yihin baraanbarooyin ama cayayaan .

Inkastoo Mujtamacyada ama qabaa’ilka Hutu-ga iyo Tut-sigu ay wadaagan luuqad keliyana ay isku fahmaan, hadana waxaa labada qoomiyadood u dhexeeyey dagaalo sokeeye oo qarni jirsaday, dalka Rwanda oo lagu tiriyo in ay iskaga danbeeyen laba maxmiyadood oo kala ahaa Germany iyo Belgium, ayaa lagu tiriya in labada qoomiyadood ay waagaasi muran badan ka dhex aloosnaa iyaga oo qabiilka Tut-sigu ahaayeen xoolo dhaqato, halka kuwa Hut-guna ay ahaayeen beeraleey.

Xasuuqii kadhacay dalka Rwanda 1994 ayaa noqday mid aan weligii ka bixin maskaxda bulshada caalamka .

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring.