Hogaamiyaha xoogaga Shabaabka Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan Abu Zubeyr ayaa fariin cod ah oo uu soo diray wuxuu kaga hadley arimo ay ka mid yihiin dilkii hogaamiyihii dalka Liibiya iyo dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee dhexmarey kooxdiisa iyo waliba ciidamada AMISOM & kuwa dawlada KMG Soomaaliya oo isku dhinac ah.

Abu Zubeyr wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan dilka Col. Qadaafi isagoo ku tilmaamay dilkaasi mid wanaag ah ummada reer Liibiya oo ILAAH uga raayey sida hadalka uu u dhigay hogaankii Col. Qadaafi.

Dhinaca kale hogaamiyaha Al-Shabaab wuxuu farta ku fiiqay in dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho jab weyn ay ugu geysteen sida uu sheegay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada KMG wuxuuna xusey in loo baahan yahay in la sii diyaar garoobo sidii loo difaaci lahaa shareecada Islaamka.

Hadalka hogaamiyaha Al-Shabaab si aad u dhageysato isago ka hadlaya arimahan iyo arimo kale linka AUDIO-ha hoose riix.

HALKAN RIIX