Berlin:-Hogaamiyaasha midowga yurub ayaa kulan deg deg ah ka yelanaya sidii loo xalin la ahaa dhiaatada deemaha dalka Giriiga iyo sidii looga hortagi lahaa in ay dhibaatadaas in ay gaarto dalalka kale ee kujira wadamada la isku yiraahdo Euro Zone.

Madaxweynaha faransiiska ninka lagu magacaabo Nicola Zarkozi oo kulan kula yeeshay Berlin Angela Merkel ayaa kawada hadlay sidii mowqif mideysan looga gaari lahaa mushaakilka deemaha dalka Giriirga.

Madaxa midowga yurub ninka lagu magacaabo Khosee Manuweel Baarooso ayaa uga digay madaxda midowga yurub cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii aanna la xalin mushaakilka deemaha dowladda Giriigga.

Baarooso oo shir jaraa’id qabtay ayaa tilmaamay in dhibaatada deemaha dowladda giriigga ay gaari doonto daafaha Yurub, haddii aanan wax laga qaban.

Sidoo kale wasirka maaliyadda faransiiska ninka lagu magacaabo Faransuwa Baarwa ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in yurub mowqif mideysan ka qaadato mushaakilka deemaha dowladda giriirga.

Agaasimaha bangiga dhexe ee Britain ninka lagu magacaabo Ser Marvin King ayaa sheegay in dhibaatada Euro Zone ay tahay khatarta ugu weyn nidaamka maaliyadeed ee Britain.

Madaxda midowga yurub ayaa la filayaa in markale ay siiyaan kaalmooyin lamid ah tii sanadkii hore lamid ah oo gaaraysa 110 bilyan oo euro oo u dhiganta 156 bilyan oo dollar.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring