Iyadoo kulamada wareegiisii tobnaad la ciyaaray horyaalka Spain ee La Liga ayaa waxaa ii dhiib aan aan kuu dhiibee noqdey in kooxi ku negaato sadex kulan oo isxigta hogaaminta horyaalka Spain, waxaana haatan ku qabsatey si naf la  caarinimo ah kooxda Real Madrid ka dib markii weeraryahanka reer Argentine Gonzalo Higuain oo daqiiqadii sagaalaad kooxda Real u dhaliyey goolka guusha ee ay ka gaartey kooxda Real Sociedad.

Kulankan ka dhacay guriga Real Sociedad ee Real Sociedad waxaa u suurgali wayday askarta tababare Jose Mourincho in goolka madiga ah ay ku daraan gool kale ka dib markii daafacyada kooxda martida loo ahaa ay isku xirmeen oo ay dhigteen shabaq adag oo ay u sii dheerayd weeraro isdaba joog ah oo ay ku hayeen goolhayaha Raeal Ikar Casillas.

Real Madrid waxay hogaanka kala wareegtey kooxda Levante oo guuldaradii ugu horeysay ay ku dhacdey ka dib markjii kooxda Osasuna ay ku garaacdey 2-0.

Osasuna oo daaqada ka tuurtey Levante UD

Osasuna oo ku ciyaaraysay gurigeeda Estadio Reyno de Navarra ayaa waxaa goolka koowaad u saxiixay daqiiqadii 40-aad Alvaro Cejudo, waxaana labeeyey Francisco Nino daqiiqadii 44-aad.

Ciyaaryahan Cejudo oo kaarka jaalaha loo taagey ka dib markii uu funaanada siibtey xiligii uu u dabaaldegayey goolkiisii furitaanka ayaa mar kale kaarka hurdiga qaatey, taasi oo ka dhigaysa in uu qaadanayo kaarka cas (red card) ciyaartana uu isaga baxayo, taasina uma saamixin Levante inay ka faa’ideysato 10 nin ee ay ku ciyaarsay kooxda martida loo ahaa ee Osasuna.

Sadexley goolal ah oo uu dhaliyey Messi oo meesha ka saaray sadex kulan oo gool la’aan u ahaa

Weeraryahanka Barclona Lional Messi oo ay sadexdii kulan ee ugu dambeysay kooxda Barcelona ay ku dhacdey abaar gool la’aan ah ayaa taasi ka baxsadey ka dib markii sadexley goolal ah (Hat-Rick) uu u dhaliyey kooxdiisii kulankii ka dhacay Camp Nou ee Barce ay marti galisay kooxda Mallorca.

17 daqiiqo gudahood ayuu Messi ku dhaliyey sadex oo mid ka mid ah uu ahaa rigoore ama gool ku laad isagoo qalbiga ka saarey wacdarihii ka qabsadey kulankii todobaadkii hore ee laga qabtey rigoorada ee kooxdiisu la ciyaaraysay kooxda Seville ee ku soo idlaadey 0-0.

Sadexda gool ee Messi waxaa afar & shan ka dhigay ciyaaryahanka da’da yare e 20 sano jirka ah ee labada kulan oo qura u saftey Barcelona Isaac Cuenca & difaaca reer Brazil Dani Alves oo daqiiqadii 90-aad goolkii shanaad ee quusinta shabaqa u suray kooxda Mallorca ee martida aheyd.

Kulamada kale ee sabtdii & axadii

Villareal 2-0 Rayo Vallecono iskuna arkey guriga Villa ee  Stadium El Madrigal, Villarreal

Valenceia 3-1 Getafe oo iskuna arkay Stadium Mestalla ee koxda Valencia

Sporting Gijon 1-1 Athletic Bilbao oo isku hirdiyey guriga Stadio El Molino nee Gijon

Racsing Sandander 1-0 Real Betis oo isku fara saaray Stadio El Sardinero ee Santander

Atletico Madrid 3-1 Real Zaragoza oo ku ciyaaray Stadio Vicente Calderon ee Madrid.

Malaga 2-1 Espanyol oo ku hardamay Stadio La Rosaleda Malaga

Caawa oo isniin ah waxaa wada ciyaaraya

Seviila vs Grandada oo isku arki doona Stadio Roman Sanches Pizjun ee Sevilla

Gool dhalinta
1:Lionel Messi =======13 gool FC Barcelona
2:Cristiano Ronaldo ==10  gool Real Madrid
3:Gonzalo Higuain === 10  gool Real Madrid
4:Ramadel Falcao ==== 6  gool Atletico Madrid
4:Roberto Soldado====6  gool Valencia CF
6:Fernando Liorente == 5  gool Athletic Bilbao
7:Juanlu ============ 5  gool Levante UD
8:Miku ============= 4 gool Getafe CF

Kala horeynta kooxaha

P

GD

PTS

 

1

Real Madrid

10

26

25

2

Barcelona

10

28

24

3

Levante

10

10

23

4

Valencia

10

6

21

5

Sevilla

9

4

17

6

Malaga

10

-2

16

7

Espanyol

10

-4

15

8

Osasuna

10

-4

14

9

Athletic Bilbao

10

3

13

10

Atletico Madrid

10

1

13

11

Rayo Vallecano

10

-3

12

12

Real Betis

10

-5

12

13

Villarreal

10

-8

10

14

Mallorca

10

-8

9

15

Real Zaragoza

10

-10

9

16

Real Sociedad

10

-5

8

17

Sporting Gijon

10

-6

8

18

Racing

10

-8

8

19

Getafe

10

-6

7

20

Granada

9

-9

5

Cabdifataax Mowliid Xaaji
fatahhaji@hotmail.com