Koonfurta Talyaaniga oo ayey buuxdhaafiyeen qaxooti ka soo safraya wadanka Liibiya iyo Wadamada Yurub oo laga cabsi qabo inay labo jibaarmaan qaxootiga jooga ee Magangalyo doonka ah.Taasi oo u muuqata inay dhabowdey hadalkii Col. Qadafi ee uu hada ko hor sheegay ee ahaa in  in qarada Yurub ay noqon doonta Qaarad ay u badan yihiin dadka madoow.Maalmahan danbe waxa si isdaba joog ah usoo gaaraya Xeebaha dalalka Talyaaniga iyo Malta dooman sida dad muhaajiriin ah qaxooti kuwaasoo ka soo safraya xeebaha dalalka Liibiya iyo Tuniisiya, doomaha sida dadkan ayaa ka soo xiranaya Malta, Jasiirada Lampadusa iyo Sicilia oo dhamaan u dhow badda caalamiga ah ee Maditiranka.Qaxootiga soo gaaraya konfurta Talyaaniga iyo Malta ayaa u badan dad ka soo jeeda wadamada Tunisia iyo Masar halka markii hore u badnaan jireen qaxooti African ah balse iminka waxa la socda tiro ka yar midii hore oo african ah gaar ahaan wadamada Somalia, Ethopia , Ereteria iyo Sudan.Muhaajiriinta sharci darada ku socda ee ka soo jeeda wadamada Tunis iyo Masar ayaa u badan kuwo ka soo cararay rabshadihii ay keenen kacdoonadii ka dilaacay Tunis,Masar iyo Liibiya halka kuwo Soomalida ah ay ka soo carareen Colaadaha iyo dagaalada sokeeye ee mudada ka badan 20-ka sano ah ka socday dalkeenii hooyo.

Qaxootiga soomalida ah ee soo gaaray Talyaaniga iyo Malta ayaa ayaa dib u dejin iyo qaabilaad loo sameeyay inkasta oo hadana meesha ay ku jirto labadan dowladeed Italy iyo Malta inay la daala dhacayaan qaxootigii hore ee gudaha wadanka joogay kuwasoo ay ku fashilmeen inay u sameyaan dib u dejin iyo soo dhoweyn wanaagsan.

Dowlada Telyaaniga ayaa qaylo dhaan afka furatay waxayna cabasho u gudbisay dowladaha kale ee Midowga Yurub iyada oo ka cabaneysa qaxootiga faraha badan ee dalkeeda imaanaya iyo awoodooda oo aan u saamaxeyn inay gacan siiyaan kumanaanka qof ee dalkeeda soo galaya habeen iyo maalin balse ilaa iyo hada si dhab ah looma oga jawaabta rasmiga ah ee midowga Yurub siiyeen dalka Talyaaniga marka laga reebo inay ugu baqeen dowlada Talyaaniga in ilaaliso axdiga ka dhexeeya wadamada Yurub ee lagu saxiixay Magaalada Dublin kasoo dhigaya in qof kasta oo qaxooti ah uu xaq ku leeyahay inuu deganaasho iyo soo dhoweyn ka helo dowlada u horeysa ee Yurub ah ee uu cagta soo dhigo sidaa darteed dowlada Talyaaniga ayaa looga fadhiyaa inay dadka qaabisho oo ay siiso Magangelyo siyaasadeen, waxa jira warar kale oo sheegaya in wadamada Yurub u balan qadeen Talyaaniga in balaayiin dollar ay siinayaan sanad walba si loogo xakameeyo nolosha dadkaasi oo aysan ugu soo gudbin wadamada kale ee Yurub.

Akhriste hadii aynu usoo laabano xaalada dadka Soomalida ah ee soo gaaraya halkan ama Talyaaniga waxa moodaa in wax badan ay ka duwantahay xilayadii hore sida wixii ka danbeeyay 2005, waayo wakhtigaas dowlada Talyaaniga waxay xooga saari jirtay in qof kasta oo dadkaas kaa mid ah ay ka qaado faraha kadibna sidaas loogu daro shabakadda Eurodec oo ah halka kulmisa dhamaan qof kasta oo Yurub jooga oo laga qaado faraha, xiligan 90% soomalidii soo gashay Talyaaniga ayaa ka soo baxsaday xeryo lagu xereeyay si looga qaado faraha, waxayna dhamaantood u guddbeen wadamada kale ee Yurub gaar ahaan Scandinavian-ka sida Norway, Sweden iyo Finland.

Dadka soomalida ee soo gaaray Telyaaniga iyo Malta ka hor safarka ay halka ku yimadeen waxay la soo kulmeen dhibaatiyiin badan waxa ka mid ah mudadaii ku sugnayeen gudaha wadanka Liibiya oo nolol adag ay ku joogeen wadankaasi waayo waxay la kulmayeen dhibaatoyin kaga imaanaya shacabkaa wadankaasi iyo booliska oo maalin walba waxa laga qaadan jiray lacago madax furasho ah dhinaca kale waxay soo galeen safar adag gaar ahaan saxarihii iyo Badda ay kaga soo gudbeen si aad udhibadan waa sidee imaka kuwa soo gaaray koon furta dalka talyaniga.

Qof kasta oo ka soo gudbay Badda waxa lag soo qaadi jiray lacag ku dhow kun dollar(1000) iyadoo mararka qaar ay dhici jirtay in lacagtaas kaa gubato balse hada taas ma jirto oo xataa qofka aan haysan waxba waa la soo qaadayaa lakiin qofkii heli kara waxa laga rabaa inta u dhexeysa 2 -boqol ilaa 3-boqol, arrinkaasi ayaa kuu muujinayay in laga dhabeeyay hadal uu hada ka hor warbaahinta ka sheegay Hogaamiyaha Liibiya kasoo ah in qaarada yurub ay isu bedeli doonto ama noqon doonto qaaradda labaad ee Madow.

Doonyaha ka soo baaxaya Liibiya waxa soo rara saraakiil iyo ciidamo daacad u ah Hogaamiye Qadafi waxayna taas ku xumeynayaan wadamadda Yurub oo iyagu dhowaan weeraro ku qaaday Ciidamada taabacsan hogaamiyaha Liibiya domankan ayaa waxaa lugu arkayaa qoysas iskugu jira Soomali iyo Masaari,  & Tuunisiyaan.

LLPP BASHKA XAAJI  konfurta talyaniga lambadusa
Jiidaal114@hotmail.com