Haweeneyda Xoghayaha Amuuraha Dibada ka ah wadanka Mareykanka Hillary Clinton ayaa tagtay wadanka Ivory coast ee qaarada Africa si ay wadahadalo halkaas ugula qaadato Madaxweynaha Wadankaasi Alassane Ouattara

Booqashada Mss Clisnton ayaa waxaa ay ka turjumeysaa inay Dowlada Mareykanka muujiso taageerada ay u hayso Madaxweyne Ouattara  oo maamulka wadankaasi dhawaan la wareegay ka dib markii doorasho lagu murmay ay ka dhacday Dalka Ivory Coast.

Kulamada ay qaadan doonan Madaxweynaha wadankaasi iyo Xoghayaha Amuuraha dibada ee Mareykanka ayaa waxaa lagu soo qaadi doonaa sidii loola dagaalami lahaa Arimaha Argagaxisada, Dhoofinta Mukhaadaraadka iyo arimaha Burcad badeeda

Xoghayaha Amuuraha Dibada ee Mareykanka Booqashadeeda wadanka Ivory Coast waxay noqoneysa Boqashadii ugu horeysay ee Wadankaasi uu ku tago sarkaal Matalaya Amuuraha dibada ee Maraynkanka tan iyo sannadkii 1986-dii.

Wadanka Ivory coast ayaa iminka degenaasho kooban laga dareemayaa tan iyo wixii ka danbeeyay markii Laurent Gbagbo ay qabteen ciidamada amaanka ee Qaramada Midoobay isaga oo xilligaas ka soo horjeeday in looga guuleystay Doorashada Madaxtimo ee wadanka IvoryCoast.

Mss Clinton Socdaalkeeda Ivorycoast ka dib waxay sii mari doontaa dalal kale oo ku yaala qaarada Africa sida Togo iyo wadamo kale oo qaarada ka tirsan kuwaasi oo ay kala hadli doonto arimaha siyaasada Mareykanka ah

Maxamed Deeq Cabdalla
SBC International Monitoring