Oslo:- Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka haweenayda lagu magacaabo Hillary Clinton oo socdaal ku maraysa dalalka Scandinavian-ka ayaa kulan kula qaadatay magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway dhigeeda dalka Norway ninka lagu magacaabo Yuunas Stuweeri.

Sidoo kale Hillary Clinton ayaa la filayaa in ay kulan la qaadato ra’iisal wasaaraha dalka Norway Yaanis Stolenbareeg iyo boqorka dalka Norway.

Clinton ayaa uga mahadcelisay dalka Norway gacanta ay ka geysato dib u dhiska dalka Afghanistan iyo arrimaha caalamka ee ahmiyada u leh dalka mareykanka.

Sidoo kale Hillary Clinton ayaa la filayaa in ay maanta booqasho ku tagto dalka Denmark oo xubin ka ah isbahaysiga NATO islamarkaan ay u sii dhaqaaqdo dalka Sweden halkaasi oo ay ku soo gabagabeen doonto booqashadeeda dalalka Scandinavian-ka.

Booqashada xoghayaha arrimaha dibadda marerykanka ee dalalka Scandinavian-ka ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya dalalka mareykanka iyo Russia oo ku aadan arrinta dalka Syria.

Clinton ayaa ku eedeysay Russia in ay taageerto nidaamka Bashaar Al-asad oo ay u aragto in dalkiis uu u hogaaminayo dagaal sokeeye.

Clinton ayaa ku nuuxnuuxsatay ahmiyada iskaashi ee dalalka Scandinavian-ka arrimaha deegaanka gaar ahaan isbedelka cimilada iyo arrimaha horumarka.

Clinton ayaa la filayaa in booqashada dalalka Scandinavian-ka kadib ay booqasho ku tagto dalalka Armenia , Georgia, Azerbaijan ka hor inta aysan ku soo gabagabeen dalka Tukiga.

   UStaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring.