Dhumucda Khilaafka labada Shariif waxay noqotey inay galaafato Shacabka Soomaaliyeed, dad uga aqoon & waayo badan, dad u soo jeeda in ay wax u qabtaan haatan Dadka Soomaaliyeed oo la soo tiicayey wax ka badan 20 sano Dawlad & kala dambayn la’aan, waxaa  gorgortan galay horumar la gaari lahaa oo laga gaari lahaa Xayndaabyo siyaasadeed & kuwo Diineed oo la kala dhex dhigay shacabka Soomaaliya.

Haddaba go’aamadii ka soo baxay Shirkii wada tashi ee halkaas ka socday  oo  lagu go’aamiyey in Cimriga Dawladda Federalka ay sii jirayso  muddo hal sano ah taas oo kalliftay in uu ka tanaasulo xilkii uu hayey Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Somalia Maxammed Cabdillahi Farmaajo ayaa waxaa la oran karaa waa hantaaqadii ugu mugga weynayd ee ku dhacda Qaranka  & Shacabka Soomaaliyeed iyada oo meel ka dhacna ku ah Madax bannaanida dalka Soomaaliya, waxaana ay u muuqataa in haddii loo yeelay doonista labada Shariif ee horey ugu ahaa Siyaasadda Wadeeyo haatanse ku lagdamaya hoggaanka dalka iyo cidda wax laga waydiinayo daruufaha liita ee ka jira dalka, waxaana qodabadii ka soo baxay halkaas ay u muuqanayeen in ay sii fogeeyeen rajada ay ka qabeen Mujtamaca Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaamba.

Waxaa xusid mudan in diirka laga qaado in baahi loo qabo in haddiiba cid la baddalayo ay meesha ka baxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif & Madaxweyne Shariif Sh Axmed oo labadooda isu qoonsaday sidii ay u hoggaamin lahaayeen dalka Somalia, waxaana dad badani ay soo dhaweeyeen in markale la helo dad ay dhab ka tahay hoggaaminta inkasta oo shacabka Soomaalida aysan soo xulanayn 20 kii sano ee la soo dhaafey waxyaabo loogu yeerey Dawlado kumeel gaaryo ah oo aan la aqoon lana saadaalin Karin markii ay socdeen dadka lagu soo dooranayo, haddaba faalladan ayaan waxan u kala dhigayaa taxo Xaaladda Soomaaliyadda iyo sida ay dadka ula tiicayaan dhibka waxaana ka mid ah, Khilaafka labada Shariif & heshiiskooda, Is Casilaadda R/Wasaare Farmaajo, Doorka Maamul goboleedyada Puntland, GalMudug & Ahlusunna, Doorka Shacabka iyo waxa looga baahanyahay & Gebo gebo aan la tiigsan doono talo siin aayaha dalka & dadka in laga baxo hannaanka is qab qabsiga.

Khilaafka Labada Shariif.

Inkasta oo Khilaafkooda laga dharagsanyahay waxyaabaha uu salka ku hayo haddana waxaa uu ku soo afjarmay in lagu heshiiyo in la muddo kororsado, dadka badankooda oo qaba in Shariif Xassan uu damac uga jiro kursiga Madaxweynaha iyo inuu awood kale ku yeesho Xukuumadda & Arrimaha maamulka ayaa haddana jirta Madaxweyne Shariif Sh Axmed uu isna difaac dhinaciisa uga jiro inuusan kursiga oga tagin si kaftan kaftan ah, waxaana muuqata in Khilaafkooda uu sii waarayo xittaa haddii ay gaareen heshiiskan labada nin ee saaxiibka hore ahaa maaddaama uu ku caan garoobay Shariif Xassan Khilaaf joogto ah.

Inkasta oo ay sida muuqata ay meel saarsadeen cadkooda waxay ku heshiiyeen Toban qodob oo maslaxaddooda ah, inkasta oo Qodobka ugu yaabka badan yahay qodobka afraad kaas oo oranayo “Laga bilaabo maalinta heshiiska la saxiixo isla sodonkaa cisho gudahooda ayuu madaxweynuhu kusoo magacaabayaa ra’iisuwasaare cusub. Baarlamaanku wuxuu ballan qaaday in uu ansixiyo Raisulwasaaraha cusub iyo xukuumadiisaba afar iyo toban maalmood gudohooda markii loo soo gudbiyo.”,  waxaa uu u muuqdaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sh Axmed oo shakhsi ka ah Baarlamaanka inuu ku gor gortamo Awoodda Baarlamaanka iyada oo ay tahayba sida cad inuu Baarlamaanka Afduubtay si bareer ahna awooddooda ku sad raasanayo.

Is Casillaadda Farmaajo.

Shariif Xassan dhawaan waxaa uu sheegey in uu yaraynayo cadaadiska khilaafka joogtada ah haddii ay soo magacaabaan Madaxweyne Shariif & R/Wasaare Farmaajo Xayn Siyaasiyiin ah oo la safan isaga waxaana taas ka biyo diiday inuu meel mariyo Ra’iisul Wasaare farmaajo oo ay u muuqatay inay isugu fadhiday Xukuumaddiisa taas oo tiigsanaysay inay gacanta ku dhigto Muqdisho iyo deegaannada Koonfurta Soomaaliya ee aan ku jirin faraha dawladda, ma jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxeeyey isaga iyo Madaxweynaha wallow ay ka tirsanayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka, Is Casilaaddisa waxay u muuqata dareen hor leh oo yaraynayo nuxur siinta danta Somalia.

Iscasillaaddiisu si shaki la’aan ah waxay siinaysaa fursad ay ku soo noqdaan kooxaha Shabaabka & Mintidiinta kale eek a soo horjeeda dawladda oo sii cirib tirmayey muddooyinkii ugu dambeeyey  iyo waliba rajo laga qabay in dawladdu ay noqoto mid cagaheeda ku istaagta.

Dawrka Maamul Goboleedyada & Ahlusanna.

Doorka Ahlusunna ma caddayn marwalba inkasta oo ay ka mid ahaayeen Wadar lagu casuumay shirkii Nairobi ee  lagu gorfaynayey aayaha DFKMG mase caddayn fikirkooda sida GalMudug & Puntland ay u qabeen in Doorasho ay dhacdo in la yareeyo Cimriga Dawladda & Khilaafka ay u hayeen Madaxweyne Shariif kaas oo keeney inay la saftaan Guddoomiye Shariif Xassan, mar haddii labada Shariif ay heshiiyeen lama saadaalin karo Siyaasaddooda waxayna ku rajo weynaayeen in Doorasho ay dhacdo iyada oo waqti loogu daraa dawladda ay u arkayeen xil kororsi dan u ah Madaxweyne Shariif Sh Axmed..

Kaalinta Shacabka

Shacabka Soomaaliyeed oo ah dadka uu gaaray dhibta kuma dhiirradaan dabinnada loo soo dhigo iyada oo la horkeeno mar walbo nin hoggaamiya oo lagu keenay qaab dhabar ka taabasho ah isaga oo ay wataan dad shisheeye ah, waxay luminayaan fursad ah inay yihiin ama inay isu arkaan dadkii lahaa dalka loona baahanyahay in iyaga wax laga weydiiyo xalka & maaro u helidda danta Soomaalida, ma muuqato illaa iyo hadda wax kaalin ah oo ay dadka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin musiibooyinka dhacaya mana jirto cid wax ka weydiisa xalka & baadigoobka xasilloonida waana dabeecad ay Soomaalidu waligeed ay qabeen tan iyo horraantii xorriyaddii markii ay qaateen.

 Gabo-gabo.

Waxaan ku soo afmeerayaa faalladaydaan qoraal sadaalin ah mar haddii ay Soomaaliya waajahayso waayo horleh waxaa cad in uu soo if baxayo khilaaf ka dhex jira gudaha Baarlamaanka kaas oo ah muddo kordhinta Dawladda iyada oo horey loo magacaabey Guddi Doorasho oo Baarlamaanka laga soo dhex doortay ayaa waxaa uu leeyahay Guddoomiyahaa Guddidaasi Xildhibaan Xareed Xassan Cali waxaan ku adkaysanaynaa in la qabto inta ka horrayso 21 ka Bisha August Doorasho iyada oo go’aankaasina Baarlamaanka ay horey u qaateen, haddii uu dib u soo noqdo Guddomiye Shariif Xassan waxaa cad inay horyaalliin inuu ka jawaabo heshiiska uu soo gaarey iyo inay xildhibaannadu u arkaan inuu danaystey taas waxay sal u noqonaysaa oo laga yaaba inuu booskiisa ku waayo bilaha soo aaddan.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaan ku haysan wax taageero ah Baarlamaanka ku was oo u arka inuu yahay nin xil jecel isla markaana aan inta badan hor imaan Baarlamaanka Somaliya si uu uga qanciyo barnaamijyadiisa ku kala aaddan maamulka iyo difaaca, waxaa kale oo dhici karta inay u qaadaan cod kalsooni ah qudhiisa haddii ay ka takhalusaan Guddoomiyahan hadda xilka haya, qudhooda Baarlamaanka oo aan lagu aqoon inay soo doortaan qof ay dhab ka tahay wax qabad ayaa haddana aysan ku dhici Karin si toos ahna aysan u soo abbaari Karin inay codka kalsoonida u qaadaan Madaxweyne waxaana ay ka baqayaan inta aysan sidaas yeelin inuu kala diro isaga waana qodob ku adag inay qaataan qudhooda.

Aragtida looga baahanyahay maamul goboleedyada iyo inay door laxaadle ka qaataan bad baadinta qaranka waa shardi horyaallo loogana baahanyahay inay si waafi ah ay uga jawaab bixiyaan, biya dhaca maamul goboleedyada iyo maamulka Ahlusunna ayaa laftooda ah inay rabaan inay ku qancaan xubnaha matalaya DFKMG in la soo magacaabo xubno ay ku qanacsanyihiin doonistooduna ay tahay iyo in iyaga la soo marsiiyo deeqaha dhaqaale & tan waxbarasho ee ay hesho Dawladda dhexe.

Waxaa ay hadda Soomaaliya dib u gashay rajo sii fogaatey iyada oo la malaynayey in ay sidaan ka soo wacnaan doonto bilaha soo socdo, waxaana ay ahayd sharafteedu inuu joogo Madaxweyne Shariif Sh Axmed oo haya xogaha Islaamiyiinta xagjirka ah taageerana ku dhex leh dad Soomaalida qaybtood & Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo waxqabad tiigsaday muddadii uu xilka hayey, halka ay sidoo kale ku wacnayd in laga qaado booska Guddoomiye Shariif Xassan oo ah dhibaatada hortaal DFKMG Lixdii Sano ee ugu dambeysey.

 Qalinkii Mohammed Ali’Dalmar”.
Mohamedali11@gmail.com.