Goolhaye Rogerio Geni ayaa galey taariikhda kubada cagta ka dib markii uu dhaliyey goolkiisii 100-aad waxaana loo aqoonsadey ninka ugu lixaadka weynaa ee xirta lambarka 1-aad ee ay xirtaan goolhayeyaasha.

Ceni oo 38 sano jir ah ayaa goolkiisa uu ku xiran 100 gool ee uu dhaliyey ayaa ahaa gool free kick ama laad xor ah isagoo u dhaliyey kooxdfiisa Sao Paulo ee ka dhisan wadanka Brazil.

“Aad ayuu u qurux badnaa” ayuu yiri Ceni oo ka hadley goolkiisa uu dhaliyey dareenka uu ku reebay, waxaana uu sii raaciyey “ Goolhaye ahaan kama qayb galaysid ciyaar aidgoo niyada ku haya inaad gool dhaliso laakiin tani way dhacdaa waana sidii aan u doonayey inaad dhaliso laad xor ah (Free kick) waa arin aad u muhiim ah ciyaarta”.

Goolhaye Cini wuxuu ahaa sanadkii 2002-dii goolhayaha sadexaad uu kooxdii qaranka ee Brazil uga qayb gashey koobkii aduunka ee lagu qabtey wadamada Jabaan & Kuuriyada Koonfureed.

Inkastoo goolhaye Cini uu dhaliyey goolkii 2-aad ee kooxdiisa ay ku badisay ee farxada faraha badan ku reebay kooxda & taageerayaasha hadana wuxuu mutaystay karaka hurdiga ka dib markii uu iska bixiyey funaanadiida taasi oo qayb ka aheyd dabaaldega goolkiisa mucjisada ah.

Rogerio Geni wuxuu leeyahay 100 gool waxaana uu ka goolal badan yahay ciyaartooy caan ah oo ciyaar kasta safka hore ama khadka dhexe ka ciyaara, halka isaguna uu gool haye uun u soo diyaar garoobo.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com