Sanca:-Tan iyo inta ay rabshadaha ka bilowdeen dalka Yemen muddo laga joogo 9 bilood waxa cirka isku sii shareeray kororka heerka shaqo la’aanta kajirta dalka Yemen taasi oo gaartay 45% marka la barbardhigo 30% ay ahayd kahor rabshadaha dalkaas ka socda.

Sidoo kale waaxaa korortay tirada dadka shaqada laga eryey dhinaca qandaraasyada taasi oo gaartay qiyaastii nus malyuun shaqaale bilihii la soo dhaafay, taasi oo kor u qaaday heerka shaqo la’aanta kajirta dalka Yemen.

Sida uu sheegay agaasimaha xarunta daraasaatka iyo warbaahinta ganacsga dalka Yemen ninka lagu magacaabo Mustafaa Nasri, dhanka dalxiiska ayaa ah dhanka saameynta ugu balaaran kudhacday iyadoo kaalinta xigta ay gashay dhanka qandaraalayaasha iyo maalgashiga.
 Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring