Madrid:-Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Spain ayaa lagu sheegay in hoos u dhaca shaqo la’aanta kajirta dalkaas ay gaartay 4.12 malyan oo qof bishii june ee la soo dhaafay .

 

Bayaankan oo ay soo saartay wasaaradda shaqada iyo socdaalka Spain ayaa lagu sheegay in 68 kun oo qof laga diiwaan geliyey goobaha shaqooyinka guud bishii June ee la soo dhaafay.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhinacyada adeegyada bulshada laga dareemay isbedel muuqda bishii June ee la soo dhaafay marka loo eego bilaha April iyo May xilligaas oo 40.4 kun oo muwaadiniin ah ay ka shaqo galeen dhinacyada dalxiiska iyo wershadaha dalkaas Spain.

Wasiiru dowlaha arrimaha shaqada oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in hoos u dhaca shaqa la’aanta dalka Spain ay gaartay 212 kun oo qof inta u dhexeysay bilihii Maarso iyo June ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa sheegay in talabadani ay ku dhiirigelinayso xukuumadda in ay sii wado dib u habaynteeda iyo qaadista talaabooyin si loo abuuro fursado shaqo oo badan gaar ahaan dhalinyarda.

Ustaad C/Xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring