Wafti ka socday hayadaha daneeya dhanka caafimaadka  ayaa kormeer ku sameeyey xarumaha caafimaadka ee magaalada Garoowe sida ispitalka guud ee Garoowe iyo xarumaha  hooyada dhalaanka  ee ku yaala magaalada Garoowe  waxaana ay warbixino ka dhagaysteen madaxada xarumaha ay tageen,

Wafdigan waxay kala hadleen Madaxdaasi baahidooda waxa ay ubaahan yihiin in laga caawiyo  waxaana horkacayey  wafdiga  saraakiil sare oo ka socday wasaarada caafimaadka Puntland inkasta oo ay ka gaabsadeen in ay warbaahinta  u soo bandhigaan waftigan iyo wax ay kala hadleen

Dhankale waxaa jira shir shalay ka furmay xarunta wasaarada caafimaadka Puntland ee Garoowe kaasi oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka socota  wasaarada caafimaadka somaliya , Puntland iyo Somaliland sida aan ka soo xiganay saraakiil tirsan wasaarada caafimaadka Puntland oo ka gaabsaday in warbaahinta laga xuso  .

Shirkan ayaa waxaa uu ahaa shir horay loogu qaban jiray dalka dabadisa oo ayna ka qayb gali jireen madaxda caafimaadka ee somaliya Puntland  iyo Somaliland  waxaana inta badan diirada lagu saari jiray baahida caafimaad ee ka jira maamulada somalida oo ay u bandhigi jireenhayadaha ka caawiya dhanka caafimaadka

Waxaana ay noqonaysa markii ugu horaysay oo lagu qabto dalka gudihiisa gaar ahaana Puntland,

Sawiro





Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe