Ha’yadda u qaabilsan Puntland ka hortaga iyo wacyi galinta Cudurka HIV/ADISka ee Marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan PAC ayaa manta kulan dib loogu fiirinayo barnaamij wacyi galin horay ay u soo sameeyay Maamulka Somaliland iyo koonfurta  Somaliya kaas oo hada Puntland ay ka doodayaan sidii wax looga badali lahaa ama wax loogu dari lahaa

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Laybareeriga ee Magalada Garowe waxaana ka soo qayb galay masuuliyin ay ka mid yihiin Agaasimaha Ha’yadda PAC  C/raxmaan Siciid Dhagawayne  Saraakiil ka socotay Ha’yadda UNDP iyo  UNAIDS

Waxaana ka qayb qadanaya inta uu socdo oo hal maalin ah qaar ka mida Shaqalaha Ha’yadda iyo ururadda maxaaliga ah ee ka shaqeeya Cirib  tirka Cudurka iyo wacyi galintiisa

Agaasimaha Ha’yadda PAC Dr C/raxmaan Siciid Dhagawayne oo ka hadlay furitankii ayaa u sheegay ka soo qayb galayaashii  in ay ka doodaan isla markaasna muujiyaan wax walba oo ay isleyihiin waa ay ku haboon tahay in laga dhigo fariin qoraaleed dadka soo jiidan kara si looga dhowrsado xanuunka dhibta uu leeyahay isagoo ku amanay qaar ka mida ha’yadda la shaqeeya wada shaqaynta wacan

Dr dhagawayne waxaa uu sidoo kale xusay in PAC ay hada ay qaban doonto kulamo ku aadan barnamijka ay u abuuran tahay si looga gaaro hadafka laga leeyahay Cudurka HIV/AIDSka 

1 2 3 4

C/naasir Yaasin Salaad
SBC International Garoowe