Magaaladan Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari Ayaa Maanta Lagu Qabtay Aqoon Kororsi Ku Saabsanaa Ilaalinta Xaquuqda Dadka Barakacayaasha Ah Ee Soo gaaraya Puntland.

Aqoon iswaydaarisagan oo diirada lagu saaraayay si loo xoojin lahaa loona ilaalin lahaa Xuquuqada Da’dka Qaxootiga Ah ee noo Puntland Si gaar Ah xoxootiga ka soo cararaayo dagaalda Sokeeye ee ka socda Dalka Yemen ee soogaaraya Puntland Ayaa Maanta ka furmay Hotelka Internation Villeg ee Magaalda Boosaso.

Aqoon iswaydaarsigan Ayaa Waaxaaa loo Qabatay howladeeno katirsan Wasaarada ku shuqul leh Arimaha Qoxootiyada ,ururada Bulshada raydidka iyo soodoo kale Xubo Ka socday Dowlada hoose Ee Bosaso , Waxaana Soo Qaban Qaabisay Hay’adda DRC.

Maxamed Aways Faarax oo ka tirsa Qaybta Protaction-ka ee Hay’adda DRC oo ugu horeen ka hadalay Aayaa ka kawaramay ujeedka Worka Shop-kaan  , Mudada uu socon doono iyo wax yaabaha sida gaar ka ha loogu falanqayn doono mudada uu socdo.

Isuduwaha Wasaarada Haweenka Ee gobalaka Bari Ayaan nuur Shiidle Ayaa dhankeeda Xusutay In Ay Muhiimtahay in Laka warqaato wasaaradaha iyo hay’adaha halka ay marayso howsha, iyo Sidii loo dar-dargalin lahaaa.

Maxamed axmed Maxamuud isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Puntland Ee Gobalka bari oo Si rasmi Ah ufuray Aqoon iswaydaarsiga Ayaa ku tilmaamay ujeedka siminaarkan Mid looga wada tashanaayo Sidii wax loogu qabanaaa da’dka Soomaaliyeed iyo jaaniibta Ka soo Cararaya dagaalada sokeeye ee ka socda dalka yamen iyo Sidii ay uhelilahaayeen xuquuqaha Ay leeyihiin,

Tabarka Ayaa Qeyb Ka Ah gurmadka iyo dadaalka Aya ugu jiraan Hay’addaha, Dowlada Puntland Iyo Shabkakeeda , Kuwaas Oo Lagu Soo Dhaweynayo Soomalida iyo Ajaaniibta ka soocararaya Dagaalka Ka socda Dalka Yemen ee soo gaaraaya Magaalda Bosaso ee xarunta Gobalka Bari.

Daawo Sawiradda:

DSC07828 DSC07830 DSC07832 DSC07833 DSC07834 DSC07835 DSC07837 DSC07842 DSC07843 DSC07844 DSC07848