Kulan ay so abaabushay Hay’adda Astaynta iyo Maamul-wanaaga Puntland ayaa maanta ka dhacay xarunta Gobalka Nugaal kaas oo dhex maray Maamulka Gobalka Nugaal, kan degmada Garowe iyo qaar kamid ah gudoomiyayaasha xaafadaha Magaalada Garowe.

Waxaana kulankan oo qayb ka ah olole xiriir ah oo ay bilowday Hay’adda astaynta iyo Maamul wanaaga lagulana dagaalamaayo musuqmaasuqa iyo hirgelinta Maamul Wanaaga,

Agaasimaha guud ee Hay’adda Maamul wanaaga Dawada Puntland C/raxmaan Cali Guureeye oo daahfuray shirkan ayaa masuuliyiintii iyo dadweynihii kasoo qayb galay u sharaxay u jeedada shirka iyo sida loogu baahan yahay in si dhab ah loola dagaalamo musuqmaasuqa loogana hirgeliyo xafiisyada Dawlada Maamul wanaag iyo hanaan Dawladnimo oo ka nadiifa wax kasta oo meel ka dhac ku ah Dawladnimada Puntland isagoo u qaybiyey qoraalo la xiriira wax yaabaha muhiimka ah ee looga baahan yahay inay xafiisyada Dawlada laga hirgeliyo.

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmadda Garowe Qaasim Maxamed Cabdi oo balan qaaday inay ka degmo ahaan xambaari doonaan fariinta Hay’adda Maamul wanaaga Puntland kana hirgelinayaan xafiisyadooda isagoo si aada ugu mahadceliyey ololaha iyo wacyi gelinta balaaran ee Hay’addu bilowday.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal C/llaahi Ciise Aw-Axmed oo ugu horayn mahad balaaran u naqay Hay’adda Maamul wanaaga oo sheegay inay wado wax ay Puntland u oomanayd mudo dheer isagoo balan qaaday inay Gobalka Nugaal siweyn uga hirgelin doonaan Maamul wanaaga kalana shaqayn doonaan Hay’adda sidii guud ahaan loo cirib tiri lahaa caadada foosha xun ee musuqmaasuqa diloodey qaar kamid ah Hay’adaha Dawliga ah ee Dalka.

Hoos Ka dhageyso Warbixin: