Hay’adaha DRC iyo UNHCR ayaa maanta waxay deeq gaarsiiyeen qaar ka mid ah ganacsatada danyarta ah ee ku ganacsada goobaha suuqyada ah kuwaas oo degan xeryaha qaxooti ee ku yaala Magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar.

In ka badan 20 Ruux oo u badan Haweenka danyarta ah ee ganacsiga yar ku heysta goobaha suuqyada ah ayaa loo qeybiyay deeqdan oo loogu talagalay sidii ay ugu sii hormarsan lahaayeen ganacsigooda, waxayna deeqda la gaarsiiyay aheyd mid lagu qiimeynayay baahidooda iyo sidii ay wax u soo qortaan.

C/xakiim Xaaji Cismaan waa mid ka mid ah saraakiisha Hay’ada DRC waxaanu sheegay isagoo la hadlayay xafiiska SBC International ee Magaalada Qardho in ay dadkani deeqda u siinayeen qof alaale waxa uu rabo oo uu suuqa kaga ganacsankaro, taas oo ay u soo gudbinayeen iyagoo qoraal ah Hay’adaha islamarkaana lagu wareejinayay.

Waxa uu Cabdi Xakiim sidoo kale sheegay in dadkani ka hor inta aan la siin deeqda loo furay Tababar dhanka ganacsiga ah oo loogu talagalay in lagu kordhiyo aqoontooda ganacsi kaas oo soconayay mudo maalmo ah.

Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adan ayaa munaasabad lagu gudoonsiinayay deeqdan dadka dantayar ka hadlay iyagoona sheegay in deeqaha loogu talagalay dadka danta yar ee ku jira xerayaha qaxooti aysan intaasi ku eken balse ay soo wadaan deeqyo farabadan oo loogu tagalay kuwaas oo ka mid ah in loo dhiso guryo ay hoy ka dhigtaan sida ay hadalka u dhigeen

Ma ahan markii ugu horeysay oo looqeybiyo deeq dadka qaxootiga ah ee ku dhaqan gudaha Magaalada Qardho balse tani waxay noqoneysaa tii ugu horaysay oo ku aadan talaabo looqaado dhanka ku baraarujinta ganacsiga dadka soo barakacay ee ganacsiga yar yar ku heysta gudaha Magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar.
FiloSawiro

Maxamuud C/laahi Faarax
SBC International Qardho.