Ha’yada Puntland u qabilsan Wacyigalinta iyo kahortaga Cudurka HIV/AIDSka ee PAC iyo Ha’yada IOM ayaa maanta si wada jira waxaa ay ugu dhawaqeen in ay Puntland  si rasmi ah maanta uga bilamatay Barnamij Cilmi baris ah lagu sameynayey dhibta ay Burcad Badeedu u keenayso caafimaadka Bulshada.

Agaasimaha Ha’yada  PAC Dr C/raxmaam Siciid Maxamuud Dhagawayne oo si rasmi ah ugu dhawaqay Barnaamijkaani ayaa  sheegay in natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxidoonto marka  ay dhamaato cilmi baaristaani ayna muhiim utahay dhamaan dadka reer putnlad

Xuseen Yonin Xasan oo ah Madaxa Caafimadka Ha’yada IOM ayaa faahfahin dheerada ka bixiyay Cilmi baristaan oo markii ugu horaysay Puntland Laga Fulinayo iyo  meelaha ay ka dhacayso waxaana uu sheegay inlaga fulinayo meelaha fogfog ee lamiga ah iyo xeebaha Puntland waxaaana uu intaa ku daray  ay tijaabo caafimaad oo dhab ah

Barnaamijkaan oo ugub ku ah Puntland waxaa uu qayb ka qadanaya Cafimaadka Caruurta oo dhankooda wax laga ogaanyo oo Dhamaan inta ay Qusayso cilmi baaristu.

Sawiro