Hay’ada WFP ayaa markii ugu horaysay balanqaaday in ay deeq raashin siinayso 12 iskuul oo kuyaala  degaano hoos yimaada gobalka galgaduud

WFP ayaa kulan ay magaalada Caabudwaaq kula qaadatay maamulka ahlusana waljameeca sheegtay in ay deeq raashin siinayso 12 iskuul oo ku yaala qayba ka mid ah gubolka Galgaduud kuwasoo  iskugu jira dugsi hoose dhaxe .

Hay’ada ayaa sheegtay in  iskuulada ay raashinka siinayso  ay jiraan sharuudo laga doonayo kuwasoo ay ka mid tahay   in iskuulku uu yahay mid hablaha iyo wiilasha iskusi wax loogabaro ayadoo sheegtay in ay ula jeedo in latayo galiyo sidii ay habluhu u imaan lahayeen goobaha wax barashada madaama  sida ay sheegtay ay jiraan hablo badan oo goobaha wax barashada  sababo dhaqaale awgeed u imaan.

Gudoomiyaha dagmada Caabudwaaq  ee maamulka ahlusuna waljameeca Xasan Caabudwaaq  ayaa SBC International u sheegay in ay rajo wanagsan ka qabaan balan qaadka ay sameysay haayada WFP .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 12ka  iskuul ee ay raashinka siinayso  WFP  ay ku kala yalaan  dagmooyinka Caabudwaaq, Xeraale, balanbal, kurcel Dhuusamareeb iyo dagmiiyin kale oo ay hayadu carabaabin.

Dhinaca kale balan qaadka hayadaan ayaa ku soo aadaya xili mudooyinkii danbe ay maamulka  ahlusuna waljameeca  ka dalbanayeen haayadaha samafalka in ay ka tageeraan dadka ay soo wajahday xaaladaha bini aadanimo  ee kudhaqan gubalka Galgaduud.

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay hay’ada WFP balanqaad cayn kaan ah ay samaynayso iyadoo kan uu kaga duwanyahay  dhinaca wax barashada oo ay markii oguhoraysay shegtay in ay wax uqabanayso .

SBC International Galagaduud