Iyadoo hayada wadoyinka Puntland mudooyinkii dambe shaqo ka wadeen wadada isku xirta magaalada garawe iyo tuulada Jalam oo garawe ka xigta dhanka koonfureed  waxaa booqday meelaha ay ka socdaan shaqada wadooyin samaynta ah wafti uu hogaaminayey wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland oo uu wa heliyey gudoomiyaha hayada wadooyinka Puntland si ay ugu kuur galaan sida shaqadu u socoto .

Gudoomiyaha hayada wadooyinka Puntland Xasan Cismaan Cali oo warbaahinta kula hadlay dhanka bari tuulada Jalam halkaasi oo shaqo ka socotay  waxaana uu sheegay in howlaha wadada dib loogu habaynayo wadada isku xirta garawe iyo gaalkacyo ay ka mid tahay shaqada joogtada ah  hayadiisu kula tacaalayso in la dayactiro wadooyinka Puntland waxaana uu xusay in aysan shaqada ka hayn laamiga oo qura  isla makraana ay jiraan wadooyin jid cadayaal ah oo laga sameeyey tuulooyinka kuwaasi jidcadayaal ah oo ay kamid yihiin mid isku xirta sunijiif iyo xasbahale ,godob jiraan iyo dhabaaqa oo uu sheegay in dhamaantood ay shaqaynayaan gadiidkuna uu ay isticmaalayaan Waxaana uu intaasi ku daray in ay wadada laamiga ah sii wadi doonan ilaa tuulada xaar xaarka.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadidka Puntland Daahir Xaaji Khaliif ayaa  hayada wadooyinka Puntland ku amaanay sida ay isaga xilsaareen in ay ka shaqeeyaan wadooyinka deeganada Puntland isla markaana waxaa uu xusay in wadada shaqada laga wadaa horay u ahayd mid aad u baaba,aday  hadana shaqo wayn laga qabtay  waxaana uu ugu baaqay bulshada reer Puntland in ay gacan ka gaystaan sidii loo hagaajinlahaa wadada isku xirta garawe iyo gaalkacyo oo lagu tilmaamo mida ugu daran dhanka burburka isla makaana gaadiidku ay dhibaato kala kulmaan xiliga ay jiraan.

Inkasta oo hayada wadooyinka Puntland ku howlantahay dayac tirka wadooyinka burburay ee deeganada Puntland  hadana kuma filna ayaa la dhihi karaa marka la eego dhaqaalaha tayada qalabka iyo shaqaalaha hayada waodoyinka Puntland  iyo baaxada wadooyinka burburay ku yaala deeganada Puntland waxaana loo bahanyahay doorka ganacsada iyo bulshada reer Puntland in ay gacan ka gaystaan si loo daba qabto wadooyinka Puntland ka dhaxashay  dowladii somaliya oo burburtay mudo hada laga joogo in kabadan labaatan sano .

Sawiro







Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe