Hay’ada VSF Germany ayaa maanta qalab ku wareejisay wasaarada xanaanada  xoolaha Puntland  kaasi oo isugu jira gaadiid iyo agabyo kale oo hay’adu ku fulisay mashruuc dhamaaday oo ka mid ah afar mashruuc oo dhawaan hay’adu ku dhawaaqday in ay soo afjareen hirgalintooda.

Munaasabada lagu wajinayey qalabkaasi oo ka dhacday xarunta wasaarada xanaanada xoolaha ee Garowe ayaa waxaa ka qayb  galay masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada xaanada xooalah wasiirka  wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee Puntland iyo madaxda hayada VSF Germayn Somalia.

Ugu horayn madaxa hay’ada VSF  Germayn Somalia Asiili Barre Diiriye ayaa waxaa ay ka war bixisay qalabka ay wareejinayeen oo kala ahaa gaari nooca Totoya Land Cruisers 4×4 oo ay Soomaalidu u taqaan   Layla calaawi ah, talaagadaha qaboojiyaasha ah, matoor taleefoon nooca toorayaha loo yaqaano irbadaha xoolaha  lagu duro iyo computer.

Waxaana ay Asiili sheegtay in ay qalabkaas u adeegsan jireen mashruuc dhamaaday oo ay Puntland ka hirgaliyeen hadana ay garteen in agabyadaas ku wareejiyaan wasaarada xaanada xoolaha oo ay kala shaqeeyaan daawayta xoolaha  si ay ugu adeegaan bulshada Puntland iyadoona ku amaantay wasaarada in ay si wanaagsan ula shaqaysay hay’ada  intii ay  Puntland ka howl galaysay.

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Puntland oo wasaaradiisa  lagu wareejiyey  qalabkaasi ayaa dhankiisa aamaan  usoo jeediyey  hay’ada VSF Germayn oo sheegay  in ay waxbadan ka qabteen dhanka daawaynta  xoolaha  isla markaaan waxaa uu sheegay in ay ka dhaxayso wadashaqayn wanaagsan iyaga iyo hay’ada VSF markasta oo mashruuc dhamaadana ay doonaayaan sidan oo kale in ay u soo wareejiyaaan waxyaabihii ay mashruuca u isticmaaleen hadana ka  sugayaan kuwa dhamaaday iyo ku dhawaan dhamaan doona.

Ugu dambayntii wasiirka wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr. Daa’uud  Maxamed  Cumar oo goob joog ahaa  wareejinta  qalabkaasi kala duwan  waxaa uu amaanay wasaarada xaanada xoolaha sida ay ushaqaynayso oo uu  howl karnimo ku tilamaamay isaga oo sheegay in wasaaradu ay ku tilaabsatay howlo badan oo wax qabad isla markaana hada  laga doonayo in ay baahiso shaqadeda iyada oo tilaabaysa gobolada kale oo sheegay in la doonayo ka muujiso  wax qabad lamid ah kan ay ka samaysay garawe  iyo nawaaxigeeda.

M ahan markii ugu horaysay oo hay’adda VSF Germayn ku wareejiso wasaarada xanaanada xoolaha qalab ay mashaariic dhamaatay ku  fulisay iyadoona hada ka hor wareejisay sidan oo kale qalabyo kale oo ay ka shaqaysay mashaariic ay ka fulaysay Puntland waxaana ay u muuqataa hayad  wax wayn ka qabatay dhanka talaalka iyo daawaynta xoolaha iyadoona la kaashanaysa  dhakhaatiirta wasaarada xaanaanada xoolaha Puntland waxaaana ay dhawaan sheegtay in ay soo dhamaystirtay mashruuc ay  ku  daaysay xoolo k abadan halmiyan oo neef deegaanada Puntland walow ay muuqato in tiradaasi ay yartay marka la  eego xoola dhaqatada Puntland oo aad u fara badan.

DAAWO

 Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe.