Hayada UNHCR ayaa mantay maamulka Puntland waxa ay ku wareejisay  labo saldhig oo ku kala yaala  dagmeda Ceelaayo iyo tuulada Bandar siyaad oo ka tiesan gobalka Sanaag

Waxaa goobtaas goob joog ka ahaa wasiiro ku xigeeno ay ka mid ahaayeen wasiir ku xigeenka arimah gudah dawlada Puntland iyo wasiir ku xigeenka Amniiga Puntalnd  iyadoo sidoo kale ay goobtaas joogeen daddka degan deegamadaas iyo ciidamada iyaguna lagu wareejiyay saldhigyada

Waxaa Saldhigyadaa ku wareejiyay Madaxa Hayada UNHCR u qaabil san Arimaha Soomaaliya Mr Baruno oo ugu horayntii goobtaas ka hadlay isgoo sheegay in ay mahad balaaran u jeedinayaan Maamulka Puntland iyo shacabkooda sida wanaagsan ee ay Ula shaqeeyen .

Isgoo sharaxay sababta ay sal dshigyadan u dhiseen inay tahay in la helo goobo laga caawiyo dadka soomaaliyeed ee ku naf waayay badwaynta hindiya oo ah dadka tahriibayay  habad waxaan u dhisnay inaan badbaadino dadkaa anagoo la kashanayna maamulka Puntland oo iaygu hada aaan kku wareejinayno  ayuu hadalkiisa ku soo koobay mrs baruno

Sidoo kale waxaa goobtaas ka hadlay Wasiiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Puntland Cabdi Yasiin oo isna ugu horayntii mahad balaaran u jeediyaya hayada UNHCR oo uu ku tiulmaamay in wax wayn ay u qabatay dadka soomaaliyeed isagoo sheegay in ay kala wareegeen oo uga mahad naqayaan sida ay u caawiyeen maamulka iyo shacabka Soomaaliyeed  mihiimadana ku sheegay in saldhigyadan lagu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee naftooda ku wayaya badwaynta hindiya ee u dhaxaysa Yamen iyo Soomaaliya  isagoo sheegay in ay dadkaa dhimashadooda ay ka danbeeyan dad aan ka naxayn ee fiirsananya lacagta ay ka qaadanyaan

Wasiir ku xigeenka arimah gudaha uu saldhigyadaa ku wareejiyay wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed  oo isagu kala wareegay isagoo ku sii wareejiyay taliyaashii saldhigyadaa.

Cabdirisaaq Xareed ayaa sheegay in ay ka gudoomeen kuna qaban doonan waxa saldhigyadaa loo dhisay .

saldhgyadan ayaa ah sadex sal dhig oo ay hayada UNHCR ay ka dhistay Mareero Ceelaayo iyo Bandar sayaada, iyadoo ugu tala gashay in ay ciidamada deeganadaas ay ka hawlgalaan si ay gacanta ugu soo dhigaan dadka dad naftooda halaaga galinayah

Waxaana soo dhawayey dadka u nool meelaha ay hay’adani ka dhistay saldhigyadaa

Axmed Nuune
SBC International Boosaaso