Munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana gaba gaba u aheyd qeybinta deeq wacyi gelin iyo adeegyo caafimaad isugu jirtay ayna soo qaban qaabisay Jimciyada Qeyriyada ah ee Tadaamun ayaa saaka ka dhacday xarun ku taala Kaamka Tuulo Ajuuraan ee magaaladan Boosaaso

Masuuliyiinta Jimciyada Tadaamun, Masuuliyiinta Kaamka Ajuuraan, Iskugudaha Caafimaadka gobolka Bari, iyo weliba Dadyowga degen Kaam Ajuuraan ayaa ka soo qeyb galay munaasabada ka dhacaysay Goobta.

Waxaa ugu horeyn halkaasi Waxyi gelin ka soojeediyay Mashaayiq halkaasi ku sugneyd iyadoo dadka ka wacyi geliyay mowduuc ku aadanaa salaada iyo alle kacabsiga .

Masuuliyiinta Jimciyada Tadaamun ayaa iyana halkaasi ka jeediyay hadalo Muhiim ah oo ku aadan howsha Deeqda Caafimaad .

Siciid Maxamed Waraabe waa isku duwaha wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Bari waxaana uu halkaasi ka jeediyay Hadal Khiimo badan isagoo sheegay in Barnaamijkan uu ahaa mid siweyn Faaiido ugu ah dadka Taagta Daran ee u baahan adeegyada bulshada Gaar ahaan Caafimaadka.

Waxa uu intaasi Raaciyay Isuduwahu in Jimciyada Tadaamun ay aad ugu mahadsantahay Barnaamijyada Caafimaad ee ay ugu deeqday Dadkan aadka ugu baahnaa ayna jawaab u aheyd sida uu sheegay baaqyo Wasaarada Caafimaadku ka soo saartay Xaaladaha Caafimaad ee gobolka ka jira,

C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan  Waa Madaxa Jimciyada Tadaamun waxaana uu sheegay isagoo ka hadlayay goobta munaasabada gabagabada Howshan in jimciyada Tadaamun ay marwalba heegan u tahay ka shaqeynta arimaha Bulshada iyo caawinta dadka Tabaaleysan,

Waxa uu sheegay C/raxmaan  in Barnaamijkan gabagabada ah ee ay ugu magac dareen Tadaamun iyo Daryeel caafimaad uu soo socday mudo bil ah islamarkaana ay ka faaiideysteen in ka badan 950 qof  ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan ku dhowad 5 kaam oo ku yaala gudaha Maagaaladan Bosoaaso .

Waxa uu halkaasi ugu mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay howshan ay gaba gabeyneyso gaar ahaan Hay’ada ay kala kaashadeen, walaalkood Maxamed C/laahi baabakar , oo ah ninka deeqdan soo dhiibay , wasaarada Caafimaadka iyo madaxda kaamamka sida uu hadalka u dhigaye ,  

Madaxa jimciyada Tadaamun mr C/raxmaan waxa uu ugu baaqay ganacstada in ay sida ninkan walaalkood ah ee Maxamed C/laahi baabakar ay u dhaqaaqaan sidii deeqaha noocaan oo kale ah ugu fidin lahaayeen dadka bakaracayaasha ah .

Goobta waxa ku sugnaa Dhaqaatiir Caafimaad oo dadkii loo fidinayay deeqdan ku wareysanayay oobta islamarkaana u qorayay dawooyin waakan Dr C/rishiid C/wahaab oo wareysanaya mid ka mid ah haweenkii xanuunsanaa ee adeega caafimaad loo fidinayay .





SBC International Boosaso