Tababarkaani oo socondoona muddo hal maalin ah islamarkaana lagu baranayo hogaaminta ayaa waxaa uu maanta ugu furmay hoolka shiraarka wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlada puntland

Agaasimayaasha guud ee wasaarada iyo agaasima waaxeedyada kaasi oo kor loogu qaadayo aqoonta agaaasimayaasha guud iyo agasima waxaadyada iyadoona tababarka uu socondoona halmaalin.

Tababarka ayaa waxaa bixinaysay hay’ada shaqaalaha Rayidka ee puntland waxaana maalgilinaysay hay’ada UNPD.

Furitaankii tababar ka ayaa waxaa si rasmi ah u furay gudoomiye ku xigeenka ahna sii haayaha xilka gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha Rayidka mudane jaamac xirsi Afrax oo sheegay tababarkaani uu yahay mid lagu baranayo hogaamita islamar kaasina hay’ada sii wadidoonto inta  ay san guda galin howlaheeda sarfaaska ayna sii wadidoonta  tababarka shaqaalaha si lays ku ogaaddo aqoon karooriga waxuuna in taasi ku daray in hay’ada ay wada shaqayn wanaagsan ay la leedaha wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ayna sii wadi doonto hay’ada tababarada iydoona mudooyin kii ugu dambeeyayba ay hay’ada ku howlaneed kor uqaadida aqoonta shaqaalaha wasaarada shaqada shaqaalaha ciyaaraha iyo dhalinyarada tababarna u qabatay agaasimayaasha guud iyo agaasima waxaad yada wasaarada. waxuuuna intaasi sii raaaciyay in agaasimayaasha guud in looga baahanyahay  in ay sii gaarsiiyaan shaqalaaha kale.

Gudoomiye ku xigeenka hay’ada rayidka puntland  oo hadal kiisa sii wata ayaa sheegay in ay hay’ada fursad uhaysato marka ay dhamaato kor u qaadida aqoonta shaqaalaha wasaarada ay fursad u haystaan ayna ku dadaalidoonaan waxka qabasha baahada aqooneed ee shaqaalaha puntland .

Wasiirka wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha cabdiwali xirsi cabduuller indhaguran oo ka hadlayay gunaanadkii tababarka ayaa tababarayaasha kula dardaarmay in ay soo kordhiyaan si badal la taabankaro oo uu la jeeday in tababarayaasha ay ka faa’iidaysataan aqoonkororsiga kor looga qaadayo aqoonta agaasimayaasha guud iyo agaasima waxaadyada waxuuna intaasi kudaray in ay shaqaalaha ay soo gudbiyaan baahidada aqooneeda ay u soo bandhigaan wasaarada iyo hay’ada kale.ugu dambaytii wasiirka ayaa shaqaalaha  u sheegay in ay is badallo ay layimaadaan oo ay wasaaradaahada is badal ku keenaa tababarada ay ka faa’iidaystaan

Tababarka oo ahaa mid lagu baranaya hogaan ka ayaa waxaa ka faa’iidaysanayay agaasimayaasha guud iyo agaasima waxaadyada wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha puntland ayna bixinaysay hay’ada rayidka iyadoona mudooyinkii ugu dambeeyayba tababaro caynkaani ah ay ku howlaneed hay’ada Rayid puntland kaasi oo kor looga qaadayay aqoonta shaqaalaha wasaaradah Dowlada puntland.

DAAWO SAWIRADA

Cabdi Casiis Ibraahim Axmed Cabdi Casiis Okey.
SBC International Garoowe.