Haayada PAC ee Puntland  uqaabilsan ladagaalanka Cudurka HIV ADSka Ayaa maanta kulan ku qabatay garawe kaasi oo ku saabsan dib  u eegista Agabka tababarada iyo  wacyigilinta cudurada galmada   lagu kala qaado

Kulanaka oo socondoona mudo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qayb  galaya 40 xubnood oo kala socda ururada  bulshada rayidka ah wasaarada Cadaalada iyo haayadaha PAC kala shaqeeya  dhanka cudurka HIVga sidookale  waxaa ka qayb galaya dadka la nool(H.I.V.adska)

Agaasimaha guud  haayada Puntland uqaabilsan ladagaalanka cudurka Adska ee PAC Dr C\rixmaan  Siciid Dhagawayne  oo ka hadlay  furitaankii kulankaa ayaa sheegay in ay  ay kulankan ugu  talagaleen  in dib loogu eego fariimaha ku  saabsan cudurka ee ka baxa  warbaahinta iyo waraaqaha darbiyada lagu dhajiyo  ee ka digaya cudurka adska kuwaas oo ay doonayaan in ay waafajiyaan diinta  islaamka  iyo dhaqanka soomaaliyeed  dhanka kale ee Dr C\rixmaan waxaa uu xusay in cudurku kor kacay  sanadkii ugu dambeeyey isla markaasna uu halista ugu wayn ku hayo dhalinyada dadoodu udhaxayso 15 ilaa 24sano oo ay doonayaaan in  wacyigalinada ka ku saabsan  cudurka dilaaga ah  ee (HIVga)loo sameeyo qaab ay fahmikaraan dhaliyarada oo ah  dadka  ugu  nugul cudurka  isla markaasna ay doonayaan in ay dhaamaan ka hadalka cudurkaas ay waafajiyaan dhaqanka islaamka

Shirkan oo la filayo in maalinta bari ah lasoo gabagabeeyo ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan  hab cusub oo loo wadidoono wacyi galinta ku cudurka  iyada oo dhamaan la dhagaysan doono fikirada ay soo jeediyaan dadka ka qaybgalay

Waxaana door muhiim ah ka qaadan doona wasaarada cadaalada iyo culuma awdiinka oo si wayn ugu dhexmuuqday kulanka.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe