Waxaa maanta lagu qabtay xarunta tababarka xirfadaha ee magaalada Garoowe xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay taasi oo lahayd laba waji oo kala ah dhallinyaro Dhammaysatay tababar muddo lix bilood ah ku waasi oo labarayay xirfado asaasi ah oo ay ku shaqaysan karaan kagana soojeesan karaan dhankaasiyo Burcadbadeedimada iyo falalka ka dhanka ah amniga ,hakla dhallinyaro kalana uu maanta u furmay tababar soconaya muddo lixbilood ah ,ardaydaani maanta  Dhammaysatay waxbarashadaasi ay mudada soo wadeen iyo kuwa maanta fariisatayba waxa ay kakala yimaadeen deegaanda puntland gaar ahaan dagmooyinka ay  ku Badnaayeen kooxaha burcad badeeda ah sida ,Baargaal ,Bandarbayl ,Boosaaso ,Eyl ,iyo Garoowe.

Xafladaani ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay dowlada puntland ,madax ka socotay NCA Puntland ,somaliya iyo Geeska afrikaba ,maamulka Gobalka Nugaal ,kan dagmada Garoowe ,Culima awdiin iyo Qaar kamid ah ururada Bulshada rayidka ah.

Ugu horayntiiba waxaa xafalda furay madaxa machadka tababrka ee xirfadaha ee magaalda  Garoowe {Garoe Vocational Training Center} Cismaan Guureeye Kaarshe Isagoona sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ardayda dhammaysatay tabarkaasi ay muddada u wadeen iyagoon gacan ka helaya hay’ada NCA sidoo kalana ay soo Dhawaynayaan ardayda maanta bilaabanaysa tababarkaani cismaan ayaa sheegay in mashruucaan ay wado hay’ada NCA  uu yahay  mashruuc  wax tarwaynu leh guud Ahaanba bulsho  waynta gaar ahaan dhallimnta da’yarta ah ee kafaa’iidaysatay .

intaasi kadib waxaa isna ka hadal kooban ka jediyay xafladaasi madaxa NCA Puntland Yusuf C/qaadir isagoona xusay inuu aad ugu faraxsanyahay aradaydaani maanta Dhammaysanaysa tababarka iyo kuwa maanta fursada u helay inay ka faa’iidaystaan fursadaani qaaliga ah ayna la qayb sanayaan  faraxada aradayndaani isugu jirta labda Qaybood.

Xafladada ayaa waxaa ku sugnaa madax sarsare oo katirsan ka tirasan Hay’ada NCA ,Burhana waa madaxa NCA ee soomaaliya waxuuna kamid ahaa madaxdii maanta Ka hadashay xafaldaasi qalinjabinta iyo galitaanka isugu jirtay Burhana ayaa wax  badan ka sheekeeyay taariikhada guud ee hay’ada NCA  isagoona sheegay in ay Hay’adu tahay samafal oo kaliya iyagoona soo galay wadanka soomaaliya markii ay meesha ka baxaday dawladii dhexe ee  soomaaliya iyagoona  howl galgaladoodii ugu Horeeyay ka bilaabay sanadii 1991Gobalkaasi Gedo anya guud ahaanba kawada shaqeeyaan wadanka soomaaliya Burhana  ayaa xusay in puntland ay yimaadeen kadib Markiia y dhacaday sunaamida wixii intaasi ka danbeeyayna ay siwanaagsan uga shaqaynayeendeegaanda puntland isagoo intaasi raaciyay in dowlda puntland ay la Leeyihiin xiriir wanaagsan gaar ahaanbuu yiri wasaarada cadaalada arrimaha diinta iyo Dhaqancelinta puntland ayna sii wadi doonaan iskaashiga dowlada .

Burhana ayaa sidookale sheegay infigradaani ay asal ahaankatimid dhanka shacabka iyo dowlada puntland ayna ahayd oo kaliya  warqado la qoray iyo ra’yi oo kaliya Balse maanta ay tahay wax lagu farxo in ay kabaxaan ilaa 180 arday.

Waxaa isna ka hadlay xafaladaasi wasiir ku xigeen wasaarada  cadaalada maxamud  siciid oo sheegayinmashruucaani uu ahaa mid lagu guulaystay ayna uga Mahadcelinayaan hay’ada NCA iyaguna ay gacanka siiyeen socodsiinta barnaamijkaani loona baahanayahay in lasii ballaariyo si ay uga faa’iidaystaan  da’yarta ku sioii Jeedaa dhankaa  iyo burcada.

Gabagabadii xaflada  ayaa waxaa si rasmi  ah u soo xiray una furay dufcada cusub ee shaanaad wasiirudowlaha maamul wanaaga dowlada puntland maxamed faraxa  Ciise  gaashaan isla  mar ahaantaana guddoonsiiyay shahaadooyin aradaydii maanta dhammaysatay gaashaan ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugumahad celinayo Culimadii wacyigalinta ka bilowday dagmada eyl kana soo celiyay dhallin tari  badan u hanqal taaga burcadda uuna u mahadcelinayo sidoo kale hay’ada NCA oo iyana Wada  qorshayaal  wax ku ool ah.

Dufcadaan maanta ka qalainjabisay dugsiga farsamada gacanta ee magaalada garoowe  ayaa noqonaysa tiishanaad ayna tababarkaasi fulinaysay hay’ada NCA  oo Gacanka helaysa wasarada cadaalada arrimaha diinta iyo dhaqan Celinta Puntland iyadoona ay mashruucaani  ka faa’iidaysteen ku dhawaad 180 dhallinyaro ah ku waasi oo laga keenay deegaanada ay ku xooganyihiin kooxaha burcadda ahi.
SAWIRO..


 

yusuf maxamed maxamud {yusuf yare}